|

Mudaneyaal Katirsan Baarlamaanka Kenya Oo Muqdisho Gaadhay Iyo Kulamo ay La Yeelan Doonaan Dhiggooda Soomaalida

Muqdisho:Aug,18,2015(SDN/QJ)-Mudanayaal xubno ka ah Baarlamaanka Waddanka Kenya, ayaa maalintii shalay gaadhay Magaalada Muqdisho, waxana ay kulamo kala geddisan la yeelan doonaan Xubno katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

ilyXildhibaan Ilyaas Barre Shiil oo ka tirsan wafdiga ka socda baarlamaanka Kenya oo ka kooban sagaal xubnood ayaa Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ugu sheegay qaar ka mid ah warbaahinta in socdaalkoodu uu la xidhidho xoojinta wada-shaqeynta ka dhexeysa labada baarlamaanka ee Somalia iyo Kenya.

“Somalia iyo Kenya waxaa ka dhexeeya arrimo badan, waa laba dal oo walaalo ah, inta aan joogno Muqdisho waxaana la yeelan doonnaa wadahadallo la xidhiidha adkeynta xidhiidhka labada baarlamaan,” ayuu yidhi Xildhibaan Ilyaas Barre.

Mudane Xuseen Carab Ciise oo ah Guddoomiyaha guddiga difaaca baarlamaanka Somalia oo soo dhaweeyay waftigan ayaa xusay in Wada-shaqeynta labada Baarlamaan ee Kenya iyo Soalia ay muhiim u tahay.

“Waxaana rajaynaa inaan ka wadahadalno arrimo badan oo dan u ah labada dal ee Somalia iyo Kenya ee walaalaha ah, xidhiidh fiicanna uu ka dhexeeyo, arrimaha ku saabsan amniga ama is-dhexgalka labada bulshada” ayuu Carab intaas ku daray.

Ugu dambeyn, booqashada xildhibaannadan ka socda Kenya ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay oo ay yimaadaan Muqdisho, iyadoo la xusuuto inay hore u yimaadeen Muqdisho xildhibaanno ka socda baarlamaannada dallaka, Jabuuti, Itoobiya iyo Uganda.

 

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

Comments are closed