Maayarka Borama Oo Faahfaahin Ka Bixiyey Khasaaraha ka Dhashay Weerarkii Habeen Hore Lagu Qaaday Meherad Ku Taalla Gudaha Borama
Borama:Aug,19,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Borama Md Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay Weerar habeen hore koox dablay ahi ku qaadeen Meherad ganacsi oo ku taalla Badhtamaha Magaalada Borama, waxana uu tilmaamay inay xaaladda dadkii ku waxyeelloobay gacanta ku hayaan.
Maayar Baydhane oo maalintii shalay Saxaafadda ugu warramayey xafiiskiisa, ayaa tilmaamay in waxa borama ka dhacay aanay ahayn wax sii ridan oo weyn, “Wax waliba caalamka way iska dhacaan faldembiyeedkanina sida loo buunbuuninayo ma aha wax weynna ma aha, falkan haatan borama ka dhacayna dhibaatooyinka dhacaya ayuu kamid yahay, Hawshiisa iyo baadhistiisana waxa gacanta ku haya kana hor dhici mayno.” Ayuu yidhi Maayar Maydhane.
Maayarka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa shacabka Reer Borama ugu baaqay inay Nabaddooda ilaashadaan, isla-markaana aanay qarin ciddii nabadgelyada Halis ku ah, waxana uu yidhi,“Ilaahay waxanu uga baryeynaa inuu dadkii ku waxyeelloobay caafiyo, dadweynaha reer Boramana waxanu leenahay nabadda idinkaa ku noole iyadu idinkuma noola, waxa aad qarsataanna wuu idin qarsan doonaa.”
Dhacdada Ka Dhacday Gudaha Magaalada Borama ee Meheradda Ganacsi lagu weeraray ayaa waxa ay dhaawacyo kala duwani kasoo gaadheen dad gaadhaya ilaa afar qof, waxana wali aan la haynin ciddii arrintaas ka dambaysay.
SDN/QJ