Xarakada Alshabaab Oo Gacanta Ka Goysay Nin Ay Sheegtay In Uu Neef Dibi Ah Xaday!
Tooratooraw,19Aug,2015(QJ/SDN)- Xarakada alshabaab ee ka tagaaladdanta koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya xukuntana qaybo ka mid ah deegaanadaasi, ayaa xukun xad gacan goyn ah ka fulisay deegaanka tooratoorow, xukunkaasi oo ay ku fulisay nin ay sheegeen xarakadu in uu xaday Neef Dibi ah, neefkaasi oo qiimihiisa lagu sheegay laba milyan oo shilin soomaali ah.
Qaadiga maxkadda deegaanka tooratoorow ayaa sheegay in Cabdi Eenow uu deegaanka tooratoorow uu ka xaday neefkaasi dibi ah.
Deegaanka tooratooraw oo xadkani ka dhacay ayaa waxa uu hoostagaa G.SH/HOOSE waxaana uu ka mid yahay deegaano xarakada alshabaab dhawaan ka qabsaday Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo AMISOM. Iyadoo halkaasi ay hadda gacanta ku hayso xarakada alshabaab.