|

Dowladda Soomaaliya Oo Caalamka Ka Codsatay In Daymaha Lagu Leeyahay Laga Cafiyo.

Muqdisho,19Aug,2015(QJ/SDN)-Maxamed Aadan Fargeyte oo ah Wasiirka maaliyadda ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii looga cafin lahaa Daymaha lagaga leeyahay dibadda, wuxuuna sheegay inay kala kaashanayaan hay’adda lacagaha adduunka ee IMF.

FARGEETI

Wuxuuna yidhi “Soomaaliya waxaa lagu leeyahay deymo gaaraya ilaa 5.4 Biylan oo doollar lacagtani oo la qaatay xilligii dowladdii hore, dulsaar badana uu koray, waxaana u baahannahay in deymahaasi na laga cafiyo” ayuu yidhi Wasiirka oo sheegay in hay’adda IMF ay kala shaqeyneyso arrintaas haddii ay dowladdu marto hannaanka lagu gaadho in dal laga cafiyo deymo lagu leeyahay.

Sidoo kale IMF ayaa dowladda Soomaaliya kala shaqeyneysa in la xoojiyo qiimaha shilinka Soomaaliga oo muddooyinkan danbe tayo ahaan iyo qiimo ahaanba hoos u dhac ku yimid.

QJ/SDN:Muqdisho

 

Comments are closed