Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Diyaarad Saanad Hub Ah Siday, Oo Ka Degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Buuhoodle.
Hargeysa,19Aug,2015(QJ/SDN)-Wasiirka warfaafinta Somaliland Mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse ahna Afhayeenka Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadlay diyaarad la sheegay in ay ka degtay deegaanka buuhoodle diyaaradaas oo siday Hub iyo saanad millatari, Hadaba wasiir Cukuse ayaa digniin iyo hanjabaad is wadata tusha u diray Xukuumadda soomaaliya isagoo wasiirku arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi ‘’waxaanu uga digaynaa dowladda Soomaaliya xukuumaddeeda iyo maamulkaa muqdisho, nabad ku wada noolaanshaha ayaa waxa ay ka khayr badantahay in ay laba dal oo deris ah noqdaan kuwo xafiiltama kuwo colaad dhex marto, waxa ka khayr badan in nabad la ahaado..’’
Wasiirk Cukuuse ayaa xukuumadda muqdisho ugu caqli celiyay inay dalkooda nabadiisa ka shaqeeyaan intay nabbadda Somaliland ay colaad la rabaan wasiirku markale isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi’’Waar (Soomaaliya) gudihiinna ayaa nabad u baahantihiin oo aad nabaddiina ka shaqaysaane, ee waxaanu idinku baaqaynaa in aad faraha kala baxdaan JSL iyo dadkeedaba, inaad faraha kala baxdaan deegaanka buuhoodle ee maanta nabaddii iftiintay, oo manta shacbigii usoo jeedsaday inay deegaankooda wax ka qabsadaan oo ay dadkooda iyo dalkoodana la kaashadaan…’’
Wasiirka warfaafinta Somaliland mudane Cabdillaahi Daahir Cukuse markale isagoo ka hadlaya diyaaradda timi magaalada Buuhoodle waxa uu yidhi’’dayuuradda timi ee saanadda millatari sidday waxay calaamad u tahay colaada halkaa la doonayo in laga huriyo iyo dabka halkaa la doonayo in laga qarxiyo, meel saanad millatari lagu soo rarayaa ma aha deegaan nabbad lala rabo…’’ ayuu yidhi wasiirku.
Si kastaba ha ahaatee waxa maalmihii u danbeeyay Somaliland aad looga hadal hayay wufuud iska soo horjeedda oo gaadhay magaaladda buuhoodle wufuudaasi oo ay kala hogaaminayaan Cali Khaliif Gallayd Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr.Saleebaan Xaglo-toosiye, iyadoo geesta kalana ay soo baxayeen warar sheegaya in halkaasi ay gaaadhay diyaaradd sida saanad milltari, waana markii ugu horraysay ee xukuumadda Somaliland ka hadasho.
QJ/SDN; Hargeysa