|

Daacish oo ku hanjabtay inay beegsan doonto Madaxweynaha Turkiga Recap Tayyip Erdogan

Ankara,19Aug,2015(QJ/SDN)-Ururka ISIL ayaa ku Hanjabay inay Bartilmaameed ka dhigan doonaan Madaxweynaha Turkiga, Recap Tayyip Erdogan, kaddib markii ay ku eedeeyeen inuu Hawada Waddankiisa u ogolaaday inay isticmaalaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka si ay u Duqeeyaan Saldhgiyada ku leeyihiin Ciraaq iyo Suuriya.

 

Muuqaal ay kooxdu soo dhigtay barta ay ku leeyihiin Twitter-ka ayay Muslimiinta Turkiga ugu baaqeen inay gacan ku siiyaan dagaalka ay kula jiraan Gaalada iyo kuwa kale ee aan islaamka ahayn.

 

Qof ku hadlayay Luuqadda Turkiga ayaa Cajaladdan Muuqaalka ah ka sheegay inuu hadaf-kooda Koowaad yahay Beegsiga Madaxweyaha Dalka Turkiga Recap Erdogan,  Haddii uu ka laaban waayo go’aanka uu isbahaysiga kula yeeshay waxay ugu yeereen Macatableyda.

Turkey's President Tayyip Erdogan addresses the media at the Presidential Palace in Ankara

“Waxaan ugu Baaqaynaa Muslimiinta Dalka Turkiga in ay ku Taageeraan Walaalahooda Muslimiinta ah ee Khilaafada Islaamka wixii ay awoodaan iyo sidii ay awoodaan, si ay ugu guuleystaan ujeeddooyinkiisa,” ayuu yiri Ruuxa ka Hadlaya Cajaladan Muuqaalka ah.

Isis

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa dalka Turkiga soo gaaray diyaaradaha dagaalka Mareykanka ee F16-ka ah, kuwaasoo billaabay duqeymo cirka ah oo ay la beegsanayaan saldhigyo ay Daacish ku leedahay dalka Suuriya.

 

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha dalka Turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa dhawaan u sheegay in go’aanka uu is-bahaysiga ula Sameeyay Mareykanka ay tahay sidii ay Kooxda ISIL uga difaacan lahaayeen xuduudda ay la leeyihiin dalka Suuriya.

 

Ugu dambeyn, Dowladaha Mareykanka iyo Turkiga ayaa sheegay inay Duqeyn la beegsan doonaan saldhigyo ay kooxda Islaamiga ah ee ISIL ku leeyihiin dhul ku dhow xuduudda ay wadaagaan dalalka Suuriya iyo Turkiga.

 

Comments are closed