|

Mareykanka oo duqeynaya Syria isla amrkaana canbaareeyay duqeynta dawlada Syria ee mucaaridka

Dimishiq Aug 18,2015(SDN/QJ)-Dawlada dalka Syria ayaa markii labaad xalay duqeysay degaano ka mida caasimada dalkaas oo gacanta u galay kooxaha mucaaridka.

Shalay ayuunbey aheyd markii ay duyuuradaha dagaalka ee dalka Syria ay duqeeyeen duleedka Dimishiq, halkaa oo ay ku laayeen boqolaal ruux.

Duqeyntii shalay Ayaan ilaa haatan la shaacin tirade dadka ku dhintayi yo kuwa ku dhaawacmay toona.

Dawlada Mareykanka oo ay duyuuradhoodu duqeynayaan Syria ayaa canbaareeyay duqeynta ciidamada Bashaar Al Asad.

Mareykanka ayaa sidoo kale dalbaday in madaxweyne Al Asad in uu xilka ka dhaadhaco si dalkaasi nabad loogu soo dabaalo.

Dalka Syria ayaa dhawrkii sanadood ee u danbeeyay waxa colaaduhuu ay gilaafteen in ka badan boqolaal kun oo ruux halka tiro intaa ka badani ay dalkaasi ka qaxday.

SDN/QJ-Dimishiq

contact@qurbejoog.com

Comments are closed