|

Madhabaa In Cali Khaliif Iyo Xaglo-toosiye Kulan Kuwada Qaateen Caweysinkii Caawa Buuhoodle

Buhodle,18Aug,2015(QJ/SDN)-Sida ay Hadhwanaagnews u xaqiijiyeen, Qaar Kamid ah Duqeyda Deegaanka Buuhoodle, waxa caweysinkii Caawa kulan albaabadu u xidhan yihiin Madaxdhaqameedka Buuhoodle isku soo horfadhiisiyeen Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglatoosiye iyo Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh.

Kulkan oo ahaa mid aad u xasaasi ah islamarkaana, xanshashaqiisa la ilaaliyay, sida ay xubnahani xogogaalka ahi u sheegeen hadhwanaagnews waxa ay talaabadani ka dambeysay, kadib markii Siyaasiga Cali Khaliif Cali Galeydh iyo Wasiirka Caafimaadka Somaliland, ay duqeyda Deegaanka Buuhoodle wadahadal isu horfadhiisiyeen kaas oo lagaga wada hadley Mustaqabalka Siyaasadeed ee Deegaanka Buuhoodle, iyo sidii loo soo afjari lahaa xiisada ka dhex taagan hirdanka

Siyaasiyiintan oo odoyaashu ka cabsi qabeen in rabshado ka dhex abuurmaan ayaa sida la sheegay lagu soo gunaanadey is afgarad.

Inkastoo aaney jirin warar ku sahabsan talaabadan,oo si rasmi ah dibada ugu soo baxey,hadana waxa lahadal hayaa in Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh kasoo qancey rajada Siyaasadeed ee Soomaaliya, oo aheyd tan uu  u agaasimey Maamulka Khaatumo, wixii warar ah ee kasoo kordha kala socio wararkayaga dambe.

Xigasho:HWN

Comments are closed