|

War Deg Deg Ah:Maleeshiyaad Hubaysan ayaa Dhacay Caawa Suuq Ganacsi Oo Borama Ku Yaalla Iyo Khasaaraha Ka Dhashay Rasaas Ay Suuqaasi Ku Fureen.

Borama,17Aug,2015(QJ/SDN)-Wararka caawa laga helaayo magalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya in dablay hubaysan  ay weerareen caawa suuq ganacsi oo ku yaalla badhtama Borma,

iyaga oo halkaasi rasaas ooda kaga qaaday waxaana,ay galeen oo ay lacago badan ka dhaceen goob ganacsi oo wayn oo lagu magacaabo Muuse Caamir oo lagu safiro lacagaha kala duwan.

Dadblaydan oo afka soo duubtay ayaa waxa ay dadkii halkaasi ku sugnaa ku fureen rasaas waxaana wararka hor dhaca ah ee QJ/SDN helaysaa sheegayaan in ilaa saddex qof ku dhawacmeen rasaastii kooxdaasi ku furtay meesha,waxaan goobta gaadhay markii ciidanka iyaga oo rasaas xoogan oo magalada laga dareemay is waydaarsaday dablaydaasi .
la soco wixii warar ah ee ka soo kordha

Comments are closed