HRW:Ciidamada AMISOM waxa ay layeen dad xaflad Aroos uga qeybgalayay Marka
Marka Aug 17,2015(SDN/QJ)-CHay’ada u dooda xuquuqda aadanaha ee Humar Rights Watch ayaa ciidamada Midawga Africa ee AMISOM ku eedeysay in ay lix ruux oo aroos ka qeybgalyey in ay Marka ku leysay.
Dhacdadan oo aaney weli ka hadal Midawga Africa iyo dalka Ugaandhaba ayaa waxa ay dhacday bishii ina dhaaftay ee July 31keedii.
Waxaana sabab u ahaa xasuuqa qarax lala beegsaday ciidamada AMISOM, ka dibna waxa ay galeen qaar ka mida aqaladii ka ag dhawaa goobtii qaraxu ka dhacay.
Waxaana ka mid ahaa aqaladii ay galeen ciidamadu aqalka Macalim iidey oo qoyskiisu u dabaal degayeen aroos.
Ciidamad aayaa halkaa ku laayay lix ka mida qoyskii halkaa ku noolaa ahaa gebigoodu ahaa rag.
Dadka degaanka Marka ayaa qaraxii ka dib isaga yaacay magaalada iyaga oo ka baqa qabay ciidamada oo caro kula dhaca.
SDN/QJ-Marka