DHAGAYSO: Wareysi Gaar Ah Canab Maxamed Daahir, Haweenaydii Ugu Horreysay Ee Isku Soo Taagta Xilka Madaxtinimo Ee Dalka Soomaaliya.
Minneapolis Aug 17,2015(SDN/QJ)-Canab Maxamed Daahir oo ah Haweenaydii ugu horraysay ee Soomaaliyeed ee isku soo sharraxda xilka madaxtinimo ee dalka soomaaliya, ayaa iyadoo ku sugan magaalada St. Cloud Minnesota ee dalka maraykanka ayaanu la yeelanay Wareysi gaar ah oo ku saabsan siyaasadda soomaaliya guud ahaan. gaar ahaan Doorshada 2016ka lagu wado in ay ka qabsoonto dalka soomaaliya, Mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud, Xidhiidhka Maamulka Puntland iyo Dowladda fadaraalka,
Canab waxay sidoo kale nooga warrantay Arrimaha ku saabsan qaddiyadda Somaliland iyadoo weliba sheegtay in Dadka reer Somaliland godob laga galay, haddii ay ku guulaysato xilka madaxtinimo ee dalka Soomaaliyana in aanay Arrimaha Somaliland ku degdegin doonin oo aay aad uga fiirsan doonto, Canab waxa kale oo ay ka hadashay wadahadaladii u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Somaliland.
Haddaba wareysigan oo dheer oo uu la yeeshay wariyahayaga Magaalada Hargeysa Khaalid Foodhaadhi Halkan Hoose Ka Dhagayso: