Xoogag Katirsan Al-shabaab Oo Saacado Ka Khudbadeeyey Goobo Ku Yaalla Gudaha Dalka Kenya
Lamu:Aug,17,2015(SDN/QJ)-Xoogagga Al-shabaab, ayaa la sheegayaa inay markale gudaha u galeen Gobolka Xeebta dalka Kenya, isla-markaana ay dadweynaha Halkaas ku nool Khudbado u akhriyeen.
Afhayeenka Al-shabab ee u hadla Marka ay Dagaalka qaadaan Sheikh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay Idaacada Al-shabaab ee Al-andulus ayaa sheegay in Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab ay Mudo Saacado ah la Wareegen Gacan ku haynta Degaanka Baura oo hoostaga Jaziirada Lamu ee Gobolka Xeebta Kenya.
Abuu Muscab ayaa sheegay in Dadka Degaanka Baura ee Gobolka Xeebta Kenya ay halkaasi kula hadleen,kuwaas oo ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Dowladda Kenya.
Sidoo kale Afhayeen Abuu Muscab ayaa Tilaamay in Al-shabab ay Dadka Degaanka Baura u qeybiyeen Muuqaalo ay iska soo duubeen,oo muujinaya Weeraradii ay Kenya ka geysteen.
Warkan ka soo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamada Booliska Kenya ee joogay degaanka Baura ay halkaa iskaga carareen,mana jirto wax dagaal ah oo ka dhacay degaanka.
Al-shabaab ayaa Dhowr Jeer gudaha u galay Degaanada ku yaalla Gobolka Xeebta Kenya,kuwas oo Weeraro dada badan ay ku dhinteen ka geeystay.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com