|

Nuxurka Erayo Uu Wasiir Xirsi Ka Jeediyey Shirnabadeed Laba Beeleed Uga Socda Magaalada Caynabo

Caynaba:Aug,17,2015(SDN/QJ)-Mudane Xirsi Cali Xaaaji Xasan, Wasiirka madaxtooyada Somaliland, ayaa ammaanay shir nabadeed laba beelood uga furmay magaalada Caynaba, kaas oo salka ku haya sidii loosoo afjari lahaa Dilal dhawaan labadaas beelood dhexdooda uga dhacay.

xirsigaBilawgii bishii July ayaa degaanka Guumeys waxaa lagu dilay laba nin, waxaana ku dhaawacmay 6 ruux. Ragga dhintay ayaa ka soo jeeda beesha Sacad Yoonis(Habaryoonis), halka kuwa loo aanaynayo dilkuna yihiin beesha Jaamac Siyaad ee Dhulbahante. Arrintan ayaa sababteedu ahayd aano qabiil, iyadoo intaa kadib ciidanku sugay ammaanka.

Wasiirka madaxtooyada oo ay weheliyaan Wasiirka hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal ayaa furitaanka kulan nabadeedkaasi ka qayb galay waxaanu labada dhinac ku ammaanay siday u oofiyeen ka qayb galka shirka nabada.

Waxa shirkaasi qayb ka ah guddida dhexdhexaadinaysa labada dhinac oo guurtida ka socota, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Gudoomiyeyaasha gobolada Sool iyo Saraar, Xildhibaanno iyo guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiir Xirsi ayaa guurtida ka rajeeyay go’aan xal u noqda shaqaaqada inay soo saaraan  “Waxaa goobta ku sugan tiro kamida golaha ku suntan gurmadka iyo guusha ee Guurtida iyagoo soo xulay xilkas aan rajaynayno in ay labadaas beelood dhexdooda ka islaaxiyaan nabad waarta oo caano badan “Idan Alle”.

Wasiirka ayaa sheegay in xukumaddu degdeg u fulin doonto qodobada shirkaasi “Anagu ka xukuumad ahaan waxaanu diyaar u nahay marka guurtidu soo saarto go’aamo inaanu si degdeg badan u fulino isla markaana taabo-gelino.”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed