Musuqa Iyo Faddeexadaha Maamul ee Maayerka Berbera oo Noqday Daahir-Yaa Shamis
Hargeysa,17Aug,2015(QJ/SDN)-Dhawrkii maalmood ee u danbeeyey, waxa Golaha Deegaanka Berbera ka soo ifbaxaayey fadeexado iskugu jiraa Musuq-maasuq iyo ku tagri fal awoodeed oo qayral sharci ah, kuwaasoo sida uu dhacayey dhawaaqa dhiilo-sideenka ah ee kasoo yeedhayey Masuuliyiinta Asxaabta Mucaaridka ee gobolka Saaxil masuuliyadda eedahaasu dusha u saareen Gudoomiyaha golaha Deegaanka Berbera, ahna duqa degmada Md. Cabdi Shakuur Xasan Cidin.
Fadeexadahan sidii sunnaamida dhirbaaxada ku dhuftay Xaruunta Dawlada hoose ee Berbera, oo inka yar laba Boqol oo miter dhinaca galbeed ay ka kulaaleyan Mawjadaha gacan ka mid ah Biyaha Badda Cas, ayaa sidoo kale, waxa Banaanka soo dhigay kumanaan Fayl oo iskugu jiraa Daaro u Rahmaan qaar kamid ah shirkadaha Is-gaadhsiinta, Meherado ku mu’salafey Dayn kaga maqan Dawlada-hoose iyo Jeegag Bacad-yaal ah, oo ila Bisha 10-aanad ee sannadka loola dhukusayo Baanka inta wax kusoo dhacayaan.
Hadaba, Fadeexadahan Baddu soo tuftay, ayaa sida ay Wargeyska Yoolay u sheegen ilo-wareed-yo u dhuun-daloola dhaq-dhaqaaqa Dawlada-hoose oo ku sugan Magaalada Berbera, waxa ay tibaaxeen in Maayer Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) intii u xilka Maayer-nimada hayey u Magaalada Berbera ka Iibsaday 17 Albaab ama Guri oo ku kala yaala Xaafadda Barwaaqo ama Jidka Number Two-ga iyo Xaafadda Daaroole, waxa kaloo xoguhu intaa ku dareen in Maayerka Berbera, isla mudadaa uu xilka hayey uu iibsaday Guri Fooq ah, oo ay lahaayeen ilma Jiinow, kuna yaala goobta loo yaqaan Barraadka ama Karin-xamaal, waa qofba siduu u yaqaan’e, iyo sidoo kale, Dhul ay ka dhisan yihiin Meherado isku-raaran ah oo ku yaala goobta loo yaqaan Xiniinyo-dabadood. Dhulkaasoo Maayerku Qiimo-jaban kaga Iibsaday ilma Wasla-xaniid kadib markii Maayerku dacwad la galay Qoyskaas dhulka lahaa, isagoo sida xoggaha lagu sheegay ku doodaya in dhulka laga Iibiyey Adeerkii Marxuun Siciid-dalmash, ka hor 1988-kii waqtigaasoo Adeerkii ku talo jiray inuu goobtaas ka furo Ban-jarle, hase-yeeshe Adeerkii aan waqtigu u saamaxin inuu Meheradaas furo dagaaladii SNM awgood.
Xoggo kale, oo isla amuurtan la xidhiidha, ayaa xusaya in Maayerka golaha deeganka Berbera C/shakuur Maxamed Xasan Cidin Guri dabaqa ah inuu ka dhistay dhul u lahaa Cabdi kariin Aw-raali kuna yaala xaafadda Fi-land, dhulkaas oo sida la sheegay uu Maayerku ku helay Abaal marin, kadib markii u Ganacsade dhulka lahaa ka fur-furay dad sifo sharci daro ah kaga haystay qaybo ka mid ah dhulkiisa.
Haddaba, marka laga tago ku takri falka dhinaca awoodda ee Xilka Maayernimo, waxa kaloo Md. Cidin intaa u dheer mu’laaqa-maamul, is dhex-yaaca, tacadiga shaqaalaha iyo ku takri-falka dhaqaalaha kaasoo xerrooda cashuurta dadka dan-yarta. Dhaqaalahaasoo sida wararka lagu xusay Maayer Cidin u isticmaalay dano sheeqsi, oo isaga u gaar ah, kuwaasoo qaarkood dib looga rahmay, kadib markii laga waayey Lacago deyn ah oo uu ka qaatay qaar kamid ah shirkadaha Isgaadhsiinta, oo iyagu la wareegay qaar kamid ah Mulkiyada Guryaha cusub ee uu iibsaday intii uu xilka hayey.
Mashaqada iyo fadeexadaha golaha deegaanka Berbera kuma e’ka Maayer Cidin oo keliya, hase-ahaatee waxa iyana aan ka madhneyn oo saamigoodii iyo in ka badan-ba Xantoob-saday Xildhibaanada golaha deegaanka kuwaasoo xilka iyo Masuuliyaddii ka saarnaa waajibaadkii ay Bulshada u hayeen iyo inay la xisaab-tamaan Gudoomiyahooda, ahna Maayerka ku beshay inay isugu faanaan Numbarada Baabuurta ay wataan, xubnahaasoo hada xaalkoodu maraayo inay lasoo degaan Landcrusalo sida Direyska ay kooxina Cadan wadato, qaarna Madow. Halka Bulshadii dan’yarta ee Cashuurta laga qaaday Haraad, Laydh la’aan iyo Caafimaad daro kaga timaada xashiish iyo Burburka Daaraha aad Dun-dumooyinka moodid. Iyadoo sida xaqiiqadu tahay Magaalada Berbera waxa kaliya ee ka shaqeeya uu yahay Cisbitaalka Waalida, oo isaguna ku tiirsan Qurbo jooga Gobolka.