Sarkaal Muddo Soo Hoggaamin Jirey Sirdoonka Waddanka Pakistan Oo Geeriyooday
Islam Abad:Aug,16,2015(SDN/QJ)-General Xaamud Guul oo ahaa Taliyihii hore Sirdoonka dalka Pakistan oo da’diisa ay tahay 79-sano jir, ayaa geeriydooday, waxana uu ahaa sarkaal caan ku ahaa fikirro ka dhan ahaa dalalka India iyo Maraykanka.
Geerida Jeneraalka, ayaa waxaa xaqiijiyay Qoyskiisa oo sheegay inuu u dhintay dhiig maskaxda kaga furmay, wuxuu madax ka ahaan jiray Hay’adda Sirdoonka dalka Pakistaan ee loo yaqaan ISI.
Sarkaalkan ayaa caan wuxuu ku ahaa sida uu uga soo horjeedo dalalka Mareykanka Iyo India iyo inaanu la gaban afkaartiisa Islaamiga ah, isaga oo Warbaahinta caalamiga badanaa ka hadli jiray.
Waxa uu taageero u fidin jiray xooggaga hubeysan ee ka dagaalama Afghanistan iyo qeybta ay India ka maamusho Gobolka Kashmir.
Xasiloonidarada ka jirta dalka Pakistaan ayaa wuxuu dusha uga tuuri jiray inay masuul ka yihiin dalalka Mareykanka iyo Inida, oo uu ku eedeyn jiray inay faragelin ku hayaan arimaha dalka Pakistaan.
Xaamid Guul, ayaa taageerayaashiisa waxa ay ku jeclaayeen inuu ahaa muwaadin dhab ah oo u taagan horumarka dalka Pakistaan iyo sidoo kale inuu ahaa nin ku ad-adag Diinta Islaamka aadna u jeclaa.
SDN/QJ