Qalabkii Ay Ku Hawlgeli Jirtey Idaacaddii Baadi-goob Oo Si Rasmi ah Loogu Wareejiyey Radio Hargeysa
Hargeysa:Aug,16,2016(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka M/jeex Md Faysal Cabdilaahi Ismaaciil(dhago-dhago), ayaa maalintii shalay agabkii idaacaddii Radio Baadi-goob oo ay muddo gacanta ku hayeen ugu wareejiyey wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, waxana la sheegay inay hanti qaran noqon doonto.
Qalabkaas oo ay isticaali jirtey idaacadda Baadi-goob oo muddo badan si qarsoodi ah Xaafado magaalada Hargeysa ah u dhextaallay,ayaa ugu dambayntii ay ciidamada Booliska muddo kahor gacanta kusoo dhigeen, waxana ay ku wareejiyeen Maxkamadda Gobolka M/Jeex oo xukunno kala duwan ku ridday shakhsiyaad lagu soo qabtay.
Ugu horrayn waxa Halkaas ka Hadlay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka M/jeex Mudane Dhago-dhago, waxana uu faahfaahin ka Bixiyey Sababta keentay in qalabkaas hanti qaran laga dhigo isagoo shaqaalihii idaacadaasna tilmaamay in xukunno lagu riday,
“Maanta waxanu radio hargeysa ku wareejinaysaa Qalabkaas nah or yaalla oo ah idaacad in muddo ahba kasoo hadlaysay meel aan la garanaynin, balse ciidamada boolisku ku guulaysteen qabashadeeda, taas oo lagu eedeeyey innay dalka tashuush iyo qas gelinayeen iyagoo idaacaddaas samaystay, eedaynayaashii aanu ku qabanay oo kala ahaa Aar Cabdi Aadan, Yoonis Faarax Cismaan, Xamse Maxamed Xuseen iyo Cabdilaahi Axmed Diiriyo, kuwaas oo aanu ku xukunay Midkiiba Sanad iyo Lix Bilood ah oo xadhig ah haataana xabsiga ku jira, Qalabkaas dhammaantii waxanu ku wareejinaynaa Radio Hargeysa si uu qaranku u isticmaalo.” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.
Agaasimaha Waaxda Idaacadaha ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md Xasan Maxamed Yuusuf oo isagu qalabkaas la wareegay, ayaa Halkaas ka Hadlay, waxana uu tilmaamay in baahi badan loo qabo sidii sharciyadda dalka loo dhawri lahaa, waxana uu yidhi,“waxanu idinnkala wareegnay Qalabkan, waddankuna sharci iyo nidaam buu leeyahay ciddii baalmartana waxanu u sheegaynaa inaanay soconin, idaacaduhuna sharci iyo nidaam bay leeyihiin liisan baana loo qaataa, Maxkamaddana waxanu ku ammaanaynaa tallaabada ay ka qaadday, Cid iiga baahi badan in idaacad dalka laga furaana ma jiro, haddana idaacado bilaa sharci ahi inay furmaan waxan dareemi karaa mushkiladda ay dalka ku keeni karaan.”
Idaacadda Haatan qalabkeeda lala wareegay, aya waxa iska lahaa muwaadiniin Reer Somaliland ah, waxana si joogto ah looga sii dayn jirey Warar iyo Barnaamijyo liddi ku ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana ay ku shaqayn jirtey qaar qabsoodi ah, maadaama aanay jirin wax sharciyad ah oo haysatay.
SDN/QJ