Norway Oo Dalkeeda Ka Mustaafurinaysa Wiil Djibouti Uu Dhashay Oo Been Abuur Lagu Eedeeyey
Oslo: Aug,16,2015(SDN/QJ)-Wiil 23-sano jir ah Oo magiciisa lagu sheegay Mubaarak Xaaji Axmed, ayaa ka mid ahaa dadkii ka badbaadey xasuuqii ka dhacay Jaziirada Utøya ee dalka Norway sanadkii 2011. Walaalkiis waxa uu ka mid ahaa dadkii lagu diley xasuuqaas oo uu fuliyey nin u dhashey dalka Norway isla markaana uu diley dad ka badan 77 qof oo dhalinyaro u badan.
Dalka Norway ayaa hadda Mubabark Xaaji ka masaafurinaya dalkooda oo uu degganaa tan oyo markii uu ahaa 10-sano jir, sida ay qortay Norska TV2.
“Maan arkin sidii walaalkey loo diley, waxaanse u taagnaa sida dadkii kale loo dilaayey, aniguna waan sigtey, mid ka mid ah dhegahaygana si fiican wax ugama maqlo” ayuu u sheegay Mubaarak TV2.
Mubaarak, xaaskiisu waxay u dhalatey dalka Norway, waxaana ay u haysaa gabadh laba bilood jirta, waxaa dhibaato ka haysataa xusuustii Jasiiradda Utøya, waxaana uu sheegay in uu u baahan yahay xanaaneyn.
Si kastaba ha ahaatee Norway waxay go’aansatey in ay dalkeeda ka masaafuriso, kadib markii labadii waalid ee dhalay Mubaarak ay been ka sheegeen dalka ay ka soo jeedaan oo ay u dhasheen. Mubaarak waalidkiis waxay sheegteen in ay Soomaaliya u dhasheen, waxaana la ogaadey in ay u dhasheen dalka Jabuuti.
“Waan ku argagaxay markaan maqley waa lagu masaafurinayaa, Iskuulka hoose halkan ayaan ka dhigtey, waxaan deganaa Norway tan iyo caruurnimadeydi, ma awoodo in aan ka tago xaaskeyga iyo ilmahayga, wax soconaaya ma aha” ayuu yidhi Mubaarak Xaaji.
Beenta ay sheegeen waalidkiis waxa ay soo baxdey markii Mubarak uu dalbadey dhalashada dalka Norway. Aabaha dhalay Mubaarak waa la masaafuriyey isaga oo xanuunsanaya, waxaana uu geeriyoodey shan maalmood kadib markii uu ka degay dalka Jabuuti, sida ay qortey warbaahinta dalka Norway.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com