|

Diyaaradda Air Jabuuti oo billowday Duullimaadyo ay ku imaan doonto Muqdisho + Sawirro

Muqdisho,15Aug,2015(QJ/SDN)-Diyaaradda Air Jabuuti oo dhawaan si rasmi ah loo Hir-geliyay ayaa billowday Duullimaadyo dhanka Xamuulka ah oo ay ugu kala Gooshi doonto Magaalooyinka Muqdisho iyo Jabuuti.

Wasiirro ka Tirxan Xukuumadda Somalia iyo Danjiraha Jabuuti ee Somalia ayaa ka Qayb-galay munaasabad lagu Daah-furayay Duullimaadyada Air Jabuuti ay ku kala Tegi doonto Caasimadaha dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya.

 2015815635752326587019598DSC01772

Sidoo kale, Diyaarada ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay Jabuuti leedahay oo si rasmi ah uga bilowday duullimaadkeeda Muqdisho Muddo 24-sanadood ah, iyadoo duulimaad ku timid Muqdisho Jicmihii shalay ahaa, kana qaadday Muqdisho Shixnado u badan Muus.

 2015815635752326587019598DSC01772

Furitaanka Duulimaadyada Air Jabuuti ayaa Waxaa Hadallo ka jeediyay Xubno ay ka mid yihiin; Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada, Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda Ganacsiga, Maamulka Rugta Ganacsiga Somalia, Xildhibaanno iyo Danjiraha Dalka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya.

 2015815635752326750607395DSC01784

Danjiraha Jabuuti ee Somalia, Dayib Dubad Rooble ayaa Wuxuu Xafladda ka Sheegay in duullimaadka Diyaaraddan Xamuulka ah uu billow u yahay duulimaadka Diyaaradda Air Jabuuti kuwooda Rakaabka iyo Xamuulka ah ay ku imaan doonaan Muqdisho, ayna qayb ka tahay xoojinta xiriirka labada waddan.

 2015815635752327161024167DSC01815

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac [Jingili] ayaa Tilmaamay in Socdaalka shacabka Walaalaha ee Jabuuti iyo Soomaaliya uu horseedayo adkeynta Xiriirka labada dal iyo in dhankooda ay dib u bilaabaan dulimaadkii Diyaaradda Soomaali Airline.

 2015815635752327292332077DSC01790

Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo ah Wasiirka Warfaafinta Somalia oo isna ka Hadlay munaasabada ayaa soo dhaweeyay duullimaadka Air Jabuuti ay ku timid Muqdisho, isagoo xusay inuu billowday xiriirkii ganacsi ee labada waddan, iyadoo ay xusid mudan tahay buu yiri Doorka Jabuuti ee ku leedahay Nabadda  iyo dib u heshiisiinta Somalia.

 

Ugu dambeyn, Tan iyo Markii ay Soomaaliya ka baxday xilligii KMG-ka ahaa, waxaa soo Hagaagayay Xiriirka kala dhaxeeya Beesha Caalamka, iyadoo Waddanka Jabuuti ay Qayb ka tahay Dowladaha uu xiriirka Wanaagsan kala dhaxeeyo Soomaaliya.

 

Comments are closed