|

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Maxbuus ku Geeriyooday Rasaas uu furay Askari

Hargeysa,15Aug,2015(QJ/SDN)–Askari ka tirsan Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa shalay rasaas uu furey ku dhaawacay nin maxbuus ahaa kaas oo maanta u Geeriyooday dhaawacii rasaastaasi ka soo gaadhay.

 

Wiilkan oo Rasaastu kaga dhacday Madaxa iyo Gacmaha ayaa Maanta u Geeriyooday dhaawacii ka soo gaadhay rasaastaas, waxaana magaciisa la odhan jiray Axmed Dayib Cabdi Koorse.

DHAA

Taliyaha Booliska Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in askariga rasaasta furay uu ku kala qabanayey laba maxbuus oo saldhiga isku dhex laayey, taas oo keentay in rasaastii ku dhacdo maxbuus aan ka mid ahayn kuwa isku dhex laayey saldhiga.

 

“Dhacdadan oo ahayd laba Maxbuus oo mid ka mid ah qolalka Maxaabiista ku xidhnaa ayaa is dilay ka dibna askartii waardiyaha ahayd mid ka mid ah ayaa xabad riday xabadiina waxay ku dhacday oo ay daaqada uga gashay wiil dhalinyaro ah oo qol kale ku xidhnaa waxaana la yidhaahdo Axmed Dayib Cabdi,” ayuu yidhi Taliyaha Booliska Fadal, waxaanu intaas ku daray “Nasiib wanaag ciidanka boolisku markiiba gacanta ayay ku dhigeen askarigii falkaa geystay,waxaanan ku ammaanayaa sida wanaagsan ee ay ciidanka boolisku dhacdadaa u maareeyeen waxaanay ahayd dhacdo iyo shil dhacay, waxaanan caddaynayaa in askariga falkaa geystay si deg deg ah sharciga loo hor keeni doono oo sharciga la marin doono”

 

“Waalidka wiilkaa dhalinyarrada ah dhalayna waxaan leeyahay waa shil dhacay waana qadar, qadarkuna wuu dhacaa wixii dhacayna waanu ka xunnahay. waxaanan talis ahaan iyo hadday wasaaradda arrimaha gudaha tahay aanu aad uga hawl galay sidii wiilkaa dhaawucu soo gaadhay loo dawayn lahaa”ayuu hadalkiisa raaciyey.

 

Wasiir xigeenka gobolada iyo degmooyinka ee wasaaradda daakhiliga Axmed Faarax Cadarre oo isna geeridaasi wiilkaasi yar ka hadlaya isagoo yiri. “Waxaan leeyahay bulshada Somaliland dhacdooyinka caynkaasi caalamka oo dhan way ka dhacaan waxaanan leeyahay waa qadar dhacay waxaanan ciidanka booliska ku ammaanayaa in ay gacanta ku dhigeen ninkii askariga ahaa ee falkaa geystay. Bulshadana waxaa looga baahan yahay in ay degenaanta iyo nabad gelyada kala shaqeeyaan hay,adaha ammaanka.”

 

Dhinaca kale, Xisbiyada Mucaaradka ah ayaa cambaareeyey falkaasi uu askarigu ku toogtay wiilkaasi yar ee isagoo xabsiga ku jira xabaddu ku dhacday, waxaanay sheegeen in falkaasi yahay mid bahalnimo ah oo mudan in talaabo laga qaaddo cidii falkaasi kula kacday.

 

“Waxaan halkan ka canbaaraynayaa falkaa bahalnimada ah ee  Ciidanka boolisku kula kacayo muwaadiniinta da’yarta ah, iyadoo la xasuusan yahay falkii maalmo ka hor ay ciidanka boolisku rasaasta ku gumaadeen qoyskii mujaahidka Axmed Jabaan ee lagu weeraray gurigoodii caruurtiina loo geystay dil iyo dhaawac.waxa hada ayaan daro weyn ah in haddana aynu maqalno falkan naxdinta weynle”ayuu yidhi afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADANI Ibraahim Buubaa.

 

Ugu dambeyn, Musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa isna cambaareeyey falalka noocan oo kale ah ee soo noqnoqda, isagoo madaxweynaha ugu baaqay inay arrintan wax ka qabto.

 

Comments are closed