Cali Guray:Maya Maya Is-xanbaar Maya!
Cali Guray:Maya Maya Is-xanbaar Maya!
MAYA MAYA IS XAMBAAR MAYA
Wasiirka Caafimaadku ma qaraamaad buu ka jiidhay Baashe iyo Dhakool hadii uu Dastuurka Somaliland daafacay oo yidhi dad kayagu waa muwaadiniin Somaliland ah muwaadin kastana wuxu xaq dastuuri ah u leeyahay IN UU WAX DOORAN KARO LANA DOORAN KARO
Waxa la yidhaa IS XAMBAAR meel uu shariciga Somaliland kaga jiraa ma jirto dhibaato diisana waa la arkay oo shakhsiyaad aan cid soo dooratay oo soo wakiilatay jirin ayaa been loogu cumaamaday oo wax badan oonay xaq u lahayn ku helay tobankii sanadood ee ugu dambeeyay. Hor ilaahay gobanimadu waxay ahayd xaaraan iyo xalaal wixii ay ku heleen ha qaataan eh in aanay cad quudheed mar kale dadkooda u quudhin. Somaliland intood kale laftooda ayay tahay inay ku dhiiri geliyaan beelaha Bariga inay cadkooda xalaal ku qaataan waxana ceeb ku ah inay u quudhaan cad ay ogyihiin in aanay geyin.
Sida darteed Wasiirka Caafimaadku wuu ku quman yahay in uu diido is xambaar ay ku maxaafsadaan shakhsiya faro ku tiris ahi.
Xukuumadda Somaliland oo marka horeba ay fari ku godnayd siyaasadeeda ku wajahan degaanada beelaha bariga Somaliland waxa looga fadhiyaa inay arinkan meel cad iska taagto hadii hamigeedu yahay SOMALILAND ISU DHAN.
Xildhibaan Dhakool wisiisi hadal kiisu wuxu ahaa kuligiiba gef iyo deel qaaf madaxtooyada iyo isagana waa la isu tiriyaa hadii aanu weerarkiisa qaawan uu ku qaaday Wasiir ka tirsan xukuumada aan wax talaabo ah laga qaadin arinku markaa saw si kale maaha
Ali Yussufrunsheeg823@gmail.com