Sare u kac ku yimid qiimaha kalluunka ee suuqyada Magaalada Muqdisho
Muqdisho,14Aug,2015(QJ/SDN)-Suuqyada kalluunka lagu iibiyo ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa laga dareemay qiimo koror ku yimid qiimihii caadiga ahaa, ee la kala siisan jiray kalluunka.
Kawaanka Degmada Xamar Weyne oo lafdhabar u ah suuqyada Magaalada Muqdisho ee kalluunka lagu iibiyo, ayaa ka mid ah goobaha laga dareemay kororka ku yimid qiimaha kalluunka.
Ganacstada kalluunka, ayaa xaqiijiyay in kororkan uu ku yimid noocyada kala duwan ee kalluunka. ee la keeno kawaanka Degmada Xamar Weyne.
Tani, ayaa waxaa lagu tilmaamaa inay ka dhalatay iyadoo uu xadidan yahay kalluunka la keeno suuqyada. Qiimaha kalluunka ayaa hoos u dhac uu ku yimaadaa, marka suuqyadu ay soo galaan kalluun badan.
Arrinta kale ee tani sababta looga dhigo, ayaa waxay tahay, iyadoo marka lagu jiro bad xiranka uu yar yahay kalluunka badda laga soo saaro, sababtoo ah badda oo kacsan iyo kalluumeysata oo aan meelaha fog fog gaari karin.