Jeeg Malaayiin Lacaga lagu Xadayey oo Kashifmay & Fadeexad hadhaysay Duqa Berbera & Xildhibaan Obama
Berbera,14Aug,2015(QJ/SDN)-Guddoomiyaha Guddiga Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada oo ay ku qoran lahaanshaha Lacagta Jeegga ka kashifmay dawladda hoose ee Berbera iyo jawaabta uu ka bixiyey
Berbera(Aftahannews):- Maayerka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan (Cidin), ayaa Xabsiga u taxaabay xalay fiidkii Cabdiwahaab Maxamuud Aw Caqli oo ka tirsan Ganacsatada waawayn ee magaaladaas, waxaana lagu eedeeyey Ganacsadahaas inuu gacanta ku hayo Jeeg Lacageed oo sida eedda loo dhigay la sheegay in laga xaday Waaxda Maaliyadda dawladda Hoose ee Berbera, Jeeggaas oo muujiyey fadeexad musuqmaasuq oo kashifantay.
XILDHIBAAN MAXAMED CALI XIRSI FADEEXADDII QARNIGA AFTAHAN KA EEG
DUQA BERBERA CSHAKUUR CIDDIN, GANACSADAHA LA XIDHAY IYO XUBIN KALE
Jeeggaas oo xaddiga lacagta ku qorani dhan yahay saddex boqol oo Milyan oo Shilinka Somaliland ah (300,0000), isla markaana u dhiganta lacag gaadhaysa illaa Konton Kun oo Doollarka Maraykanka ah. Waxaana Wargeyska Himilo xogo uu helay xaqiijiyeen in Jeeggaas uu ku qoran yahay Guddoomiyaha Guddiga Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaaan Maxamed Cali Xirsi oo isaguna isla Berbera ku sugan.
Ganacsate Cabdiwahaab Maxamuud Aw Caqli oo ah Ganacsadaha leh Aw Caqli Super Market iyo Aw Caqli Huteel ee magaalada Berbera, oo aannu khadka taleefanka kula xidhiidhnay xalay, ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey in la xidhay muddo saddex saacadood ah oo xalay ahaa, waxaanu yidhi; “Waxa ii yeedhay C.I.D-da, ka dibna waa la I xidhay, waxaanan xidhnaa muddo saddex saacadood, waxaana la igu eedeeyey inaan Jeeg ka xaday dawladda Hoose ee Berbera.”
Mar la weydiiyey inuu arkay Jeegga lagu eedeeyey iyo sida xalay ahaanba lagu soo daayey isaga, waxa uu ku jawaabay; “Jeeggaasi waxa uu si qalad ah u soo raacay Jeegag kale oo aan anigu lahaa, oo aan ka soo qaatay dawladda Hoose, markii dambena aan u celiyey. Dammaanad ayaa la igu soo daayey, waxaana isoo damiintay Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi.”
Waxa uu Cabdiwahaab Aw Caqli oo ka jawaabayey haddii uu sidaa dib ugu celiyey Jeeggu markuu arkay inuu qalad u soo raacay, waxa keenay xadhiggiisan, ayuu ku jawaabay; “Xadhiggan la igula kacay waxaan u arkaa mid ay keentay maamul-xumo iyo xafiiltanka masuuliyiinta ka dhexeeya ee ku aaddan musuqmaasuqa.”
Geesta kale, Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ku sugan magaalada Berbera oo isla xalay Wargeyska Himilo khadka taleefanka wax kaga weydiiyey arrintan, ayaa ku jawaabay; “Arrintaas wax aan ka ogahay haba-yaraatee ma jirto.”
Hase-yeeshee, Maayerka magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin) oo Wargeyska Himilo isku dayey inuu khadka taleefanka dhiniciisa arrintan wax ka weydiiyey, ayaanay noo suuragelin inaannu wax jawaab ah ka helno taleefankiisa gacanta oo xidhnaa dartii. Sidoo kalena Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey dhacdadan, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ka bixiyo.
Lacag ku dhaw konton kun oo Doollar, ayaa la sheegay in lagula baxayey Mashruuc dhirayn ah oo laga hirgelinayo magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil. Mashruucaas oo la sheegay inay ku hirdamayeen laba Garab oo ka wada tirsan Xildhibaannada Golaha Deegaanka Degmada Berbera oo la sheegay inay yihiin kuwa ugu dhadhaw Duqa Berbera ahna Guddoomiyaha Golaha Deegaanka degmadaas oo ay la kala safan sida la sheegay Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, waxaana la filayaa in Maamulka gobolku arrintaas Khamiista Maanta kaga gar-niqi doono isla Berbera.
Xigasho Wargeyska Himilo