Xukuumadda Iyo Gudoomiya-yaasha Jaamacaddaha Dalka Oo Kulan Xog-Is-Weydaarsi Ka Yeeshay Shaqo Abuurka Dhalinyaradda+Daawo Sawiradda
Hargeysa,14Aug,2015(QJ/SDN)-Waxa Maanta Magaaladda Hargaysa ku dhex-maray Kulan balaadhan oo laga tashanayo Shaqo-abuurits boqolaalka dhalinyaradda ah ee kazoo baxa Jaamacadda Dalka xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Gudoomiya-yaasha Jaamacadaha Dalka.
Kulankan oo ahaa mid wakhti dheer socday,isla markaasna laysa soo qaaday dhibta dhalinta ka haysta helitaanka shaqo marka ay kazoo qalin-jabiyaan Jaamacaddaha kala duwan ee Dalka,ayaa dhinacyo waxay si weyn uga garaabeen sidii Xal-waara ay dhinacyadda ay khusaysaa ay u keeni lahaayeen.si kastaba ha ahaatee,Kulabkan ayaa noqonaya mid midho-dhalkiisu wax weyn usoo kordhiyo Dhalinyaradda,haddii sida ay tahay looga hawl-galo maaraynta Camal la’aanta dhalinta haysata.
QJ/SDN: HARGEYSA