|

Maxkamadda Federaalka Mareykanka oo Xabsi Daa’in ku Xukuntay Dhallinyaro Soomaali ah

New-york,14Aug,2015(QJ/SDN)-Maxkamada Federaalka dalka Mareykanka ee ku taalla Gobolka Virginia ayaa ku xukuntay Khamiistii shalay ahayd Shan Ruux oo Soomaali ah oo lagu eedeeyay inay yihiin burcadbadeed Xabsi Daa’in ama Madaxaa-ha-ku-furto.

Shantan Qof ee Soomaalida ah ay weerar aanay ku guuleysan ku qaadeen sanadkii 2010-kii Markab ay Ciidamada Badda Mareykanka leeyihiin oo ay Moodayeen inuu yahay Markab Ganacsi, markaasoo ay ciidamada Mareykanku Qabteen.

Garsoorayaal saddex ah ayaa si isku mid ah isugu raacay in xaakimkii hore ee xukunka ku riday shantan qof uu qaldamay markii uu eedeysanayaashan ku xukumay xabsi u dhaxeeya 30 illaa 42 sano.

Maxkamadda Federaalka ayaa dacwadda dib ugu celisay xaakimka Maxkamadda ku Taalla Magaalada Norfolk, Raymond Jackson kuna Amartay inuu Xabsi daa’in ku xukumo Shanta qof, maadaama uu Sharciga Federaalka Waddanka Mareykanka dhigayo in qofkii lagu helo Burcad-badeednimo uu Muteysanayo Xabsi Madaxaa-ha-ku-furto ah.

Ugu dabmeyn, Eedeysanayaashan Soomaalida ah ayaa la Sheegay inay Racfaan ka Qaadan karaan xukunka lagu riday, iyagoo la tagi kara Maxkamadda Racfaanka ama midda Sare ee dalka Mareykanka.

si kasta ha ahaatee, Qareen u doodayay raggan oo lagu magacaabo, Geremy Kamens ayaa sheegay inuu ka Fakarayo Xukunkan, laakiin uusan weli wax war ah ka bixin karin hadda.

 

Comments are closed