|

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa u dhiman hal sano waa in uu waqtigiisa dhameysta waa sida sharciga ah

Markii ay aheyd taariikhdu August 20, 2012: Waxaa Caasimadda Muqdisho lagu qabtay Munaasabad lagu dhaariyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ka dibna Taariikhdu markii ay aheyd Sept 10, 2012: Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxay doorteen Madaxweynaha Soomaaliya markii la tiriyey codadkii waxaa ku guulaystay Xasan Sheikh Maxamuud oo helay 190 cod, halka Sh. Shariif Axmed helay 79 cod, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cusman Jawaari, oo sheegay in tirada guud ee codka dhiibtay ay ahaayeen 269 xildhibaan.

Haddaba maanta aan joogno Waxaa Dowladda Soomaaliya waqtigeeda ka dhiman hal sano tusaale ahaan Xildhibaanada Baaarlamanka hadda jira wuxuu ku eg yahay Waqtigiisa August 20, 2016, Waqtigaas wixii ka danbeeya waa in la hela Xildhibaano Baarlamaanka cusub oo Doorasho ku yimid, Ka dibna ay doortaan Madaxweyne cusub ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya markii ay Taariikhdu tahay September 2016.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa u dhiman hal sano waa in uu waqtigiisa uu dhameysta waa sida sharciga ah Maxaa yeelay waxaa lugu jira Xili kala guur ah oo la doonayo in Dalka Soomaaliya uu yeesho Dowlad Cusub oo la soo doortey 2016.

 

Anigoo ah Daahir Maxamed Sheekh ee waxan kula talin laha Xidhibaanada Baarlamaanka ee wado Mooshinka ay doonayaan in ay Xilka kaga Qaadan Madaxweynaha in ay joojiyaan waa haddii ay danta dalka iyo dadka ay ka shaqeeynayaan tan kale maanta dalka uma baahno Fowdo iyo Qalalaase Siyaasadeed taaso keeni karta Rajo xumo.

Fadlan Xildhibaanada Baarlamaanka waa in ay Dulqaad iyo Samir badan yeeshan maadama uu Waqtiga u haray uu yahay hal sano.

 

Mahad sanadiin,

 

Mr. Dahir Mohammed Sheikh

 

Email: mr.dahir@live.com

 

Nairobi Kenya

Comments are closed