Beenin maqaalka sheegaya urur la yidhaahdo New-gaaroodi
Salaan wacan bahda Warbaahinta iyo bulshada intaba.
Waxaan ka halacsaday Mareegaha warbaahinta dalka qaarkood maqaal ciwaan looga dhigay Urur la yidhaahdo New Gaaraoodi oo lagaga hadlayo mashruuca horumarinta deegaanka ee Banka Qool-caday.
Hadaba, sida bulshada soomaliland iyo tan soomaliyeedba ka warqabto,Ururka gaaroodi waxaa uu haatan cimri jirsaday toban iyo shan sanno oo uu ku hawlanaa horumarinta waxbarashada,caafimaadka, Wadooyinka, iyo dhacyo kale oo hoos-yimaada dhamaan horumarka dalka guud ahaan. Mana yeelanin mudadaas furfur abuura magacyo kale iyo Cid qaab qaloocan u adeegsata toona hanaanka toosan ee uu ku dhisan yahay iyo himilooyinkiisa xaalasha ee higsigiisu ku salaysan yahay awgood. Meel ururka gaaroodi uu ku Assasay garab kale oo la yidhaahdo New-gaaroodina ma jirto haba yaraatee.
Ururka waxa weheliiya oo ku lammaan oo la aqoonsan yahay Garabka Haweenka Gaaroodi oo si gaar ah qayb libaax uga qaato horumarinta dalka, deegaanka iyo bulshada intaba. Ururku waxaa uu leeyahay xeer si adag oo haboon loo dejiyey, laguna hogaamiyo,isla markaas qabta qof kasta oo si qaldan u isticmaala Magaca ururkan qiimaha waayn ku jooga bulshada assaastay, tan loogu adeego iyo dalka S/land intaba. Waxaa uu leeyahay Gudiyada kala ah ,1-Gudida Fulinta,2-Gudida Anshaxa,3- Gudida Hantidhawrka., iyo 4- Gudida Doorashooyinka oo dhamaantood wajibaadkooda waxqabad ku qeexan yahay Xeerka Ururka ,mar walbana heegan u ah gudashada hawlahooda iyo ilaalintooda Ururka.
Sidaas awgeed.waxaanu bulshada Somaliland u cadaynaynaa in aanu jirin Urur lagu magacaabo New Gaaroodi,isla markaas maqaalkaasi magaca ururka loo adeegsaday uu yahay mid been-abuur ah marka uu leeyahay New-gaaroodi.
Cid kasta oo magaca ururka u adeegsada sife qaldan,waxaanu xasuusinayaa in lala tiigsan doono xeerka u degsan ururka,isla sidoo kale shuruucda dalka S/land, toosna looga abaal-marindoono. Shaqsiga isku magacaabay khaddar Mohamed Yassiin ee maqaalka ku xusan iyo cid kasta oo ka dambaysa talaabadan aan laga fiirsanin,waxaanu u soo jeediinaya in ay ka waantoobaan ku gabashada iyo ku gabood-falka magaca ururka gaaroodi. Waxaanu talo ahaan u soo sheegaynaa in ay afkaartooda u adeegsadaan magacyadooda dhabta ah maadaama ay xor u yihiin dareenkooda in ay iskood uGa dhiibtaan aragti kasta oo dareenkoodu siiyo si xalaal ah iyaka oo aan cid kale ku dhex dhuumanin,iskuna kalsoonaadaan insha allah. Waxaanu u rejaynayaa in ay ka dheeraadaan isku dayga ah duulaan nuxurkiisu yahay in ay xajiimeeyaan magaca ururka gaaroodi.
guul iyo horumar.
Mohamed Adam Omar
Gudoomiyaha Ururka Gaaroodi.
Hargeisa.