|

Ra’isal Wasaaraha Ethiopia Oo Markale Diyaar u ah Inuu Hoggaaminta Dalkiisa Usoo Istaago

Addis Ababa:Aug,14,2015(SDN/QJ)-Saadaalo laga bixinayo Dawlad Dalka Ethiopia yeelan doonto Horraanta Bisha Soo Socota ee September, ayaa sheegay in Ra’isal Wasaaraha Xilligan xilka haye Hailemariam Desalegne markale dib loosoo dooran doono.

deselmoIlo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in shirkii 10-aad ee EPRDF lagu gudoonsaday in Hailemaraim Desalegn dib loogu magaacabo xilkaas.

Wargeyska Sendeq ee ka soo baxa Itoobiya ayaa xusay in xisbiga EPRDF uu u bogay shaqada ra’isulwasaaraha oo xilkan hayey muddo ku dhow laba sano iyo badh.

Hailemaraim ayaa ka soo jeeda qoomiyadaha koonfureed ee dalka, gaar ahaan qoomiyada Waleyta oo ah kuwa laga tirada badan yahay.

Magaacibista EPRDF ee Hailemaraim ayaa sharci noqon dabayaaqada bisha Sebtember oo ah xiliga baarlmaanka cusub ee dalku kulankiisa ugu horeeya yeealan doono.

Xukuumadaha ismaamulada dalka ka jira ayaa inta badan iyana la dhisaa marka la soo afjaro dhismaha dawlada federaalka ah.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed