|

Dowladda Soomaaliya oo dib u dhiska Hotel Curubo ku baxineysa 60-milyan oo dollar

Muqdisho,14Aug,2015(QJ/SDN)-Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sheegay in dib u dhis ballaaran lagu sameyn doono Hotelka Curubo oo ka mid ahaa hoteladii ugu caansanaa dalka ee ku bur buray dagaaladii sokeeye.

Wasiir Maareeye oo shalay ka hadlayay munaasabada maalinta dhalinyarada Adduunka ayaa sheegay in Wasaaradiisa ay ku howlan tahay sidii dib loogu hagaajin lahaa xarumaha dowladda, gaar ahaan xarumihii dalxiiska.

 

Mr Maareeye ayaa sheegay in Hotelkii caanka ahaa ee Curubo dib loo howl gelin doono, isagoo tilmaamay inay ku bixi doonto illaa 60-milyan oo dollar ah.

 

“Waxaa wadnaa qorshe lagu dayactirayo xarumaha dowladda ee bur bursan, shirkado iyo ganacsato Soomaaliyeed ayaa la kulanay oo aan isla meel dhignay in meelihii muhiimka ahaa ee dalxiiska ay maalgeliyaan, sida Hotelkii Curubo, meel fiican ayay noo marayaan, waxaa Hotelka Curubo ku baxeysa dib u howl gelintiisa illaa 60-Milyan”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

 

Hotelka Curubo oo ku yaalla degmada Shingaani ayaa dhinac saaran xeebta, waxaa berri ahaa Hotelada ugu caansanaa Geeska Afrika, inkastoo dagaaladii sokeeye uu ku bur buray, waxaa haatan xarun u ah Ciidamada AMISOM.

Comments are closed