War Degdeg ah: Doonni Siddey Tahriibayaal Oo Kusoo Caarridey Xeebta Waqooyiga Saaag
Ceerigaabo,13Aug,2015(QJ/SDN)-Doonni siddda tahriibayaal ayaa habeenkii xalayto waxay kazoo caaridey xeebta magaalada Laasasurad ee waqooyiga G/sanaag.
Doonnidan ayaa sida la sheegay waxa saarnaa dad tiradooda lagu sheegay 89 qof kuwaasoo 6 ka mid ahi Soomaali ahayd halka 83-da kalena ay ahaayeen dadka u dhashay qoomiyadaha Itoobiya. Waxana wararku intaas kusii daayaan in dadkani ka dhoofeen xeebaha bariga Puntland una sii jeedeen dhinaca Yemen haseyeezshee cillad lasoo deristey doonnideeda awgeed ay sababtay inay halkaas kazoo caaridaan.
Dhammaan dadka doonnidan saarnaa ayaa waxa gacanta ku haya ciidanka ilaalada xeebaha G/Sanaag ee fadhigoodu yahay magaalada Laasasurad waxana la sheegayaa in ciidanku xidheen 4 ka mid ah 6 da soomaalida ah ee doonnidan saarnaa kuwaas oo lasheegayo inay yihiin wadayaashii doonnidan tahriibayaashu saarnaayeen.