Wasiir Xirsi Oo Usoo Tafo-xaytay Musharrax Madaxweynimo, Nuxurka Codsi Uu Madaxweynaha Kaga Dalbaday In Dib Loo Dhigo Shirkii Golaha Dhexe Ee Kulmiye Oo Bisha Dambe Muddaysnaa Iyo Xeeladda Uu Ciyaarayo
Hargeysa:Aug,13,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa Toddobaadyadii ugu dambeeyey Gucle-orod ugu jirey sidii uu Xisbiga Kulmiye dhexdiisa isaga soo sharraxi lahaa Tartanka loo geli doono Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga dhexdiisa.
Wasiir Xirsi, ayaa sida Wargeyska Hubaal ku hayo ilo u dhuun daloola dhaqdhaqaayadiisa, waxa uu Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxa uu ku mashquulsanaa shirar-doceedyo uu kusoo bandhigayey Hankiisa la xidhiidha Musharraxnimada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye dhexdiisa, waxana dadkii uu la shiray uu u sheegay inuu isku qanciyey inuu hankaas cusub yeesho, isagoo taageerana codsanaya.
Kulamada uu Wasiirku shirar-doceedyada uu qabtay kaga hadlay, ayaa waxyaabaha uu kaga hadlay ee kusoo bandhigay waxa ugu waaweynaa inuu Maanta Awooddii Dawladeed gacan weyn kula jiro, isla-markaana uu hayo hanti uu ku gorgortami karo si uu uga midho dhaliyo Hankiisan.
Wasiir Xirsi ayaa sheegay maadaama oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo meesha ka baxayo in labada nin ee la tartamaya ee ilma biixi aanu midna waxba helayn oo uu isagu ka dhex qaadayo hadii tartan la galo. Wasiirku waxa uu ciyaarayaa xeelad ay sal-dhig u tahay maah- maahda Soomaaliyeed ee tidhaada: “Lafo maroodi iyagaa la isku jabiyaa”.
Dhanka kalena Mudane Xirsi ayaa la sheegay in uu aad ugu xusul duuban yahay in shirkii Golaha dhexe ee lagu waday in labada bilood ee fooda inagu soo haya la qabto dib loo dhigo muddo kooban, si uu wakhti ugu helo in uu ka shaqeysto Golaha dhexe ee xisbiga. Waxa uu abaabulay Salaadiin ay ka mid yihiin Suldaanka Guud ee Beesha Axmed Farah iyo Beesha kale ee Cimraan. Waxa uu ka codsaday in ay abuuraan jawi ah in shirkii Golaha Dhexe ee Xisbigu dib u dhaco si uu diyaar garow fiican u sameeyo, olole fiicana ugu galo hankiisa uu shaaciyey maadaama intii hore uu mashquul ku ahaa isku jabinta musharixiinta ka soo wada jeeda Beesha Waqooyiga, Koonfurta iyo Galbeedka Hargeisa.
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Ali X. Xassan ayaa ah siyaasi ku cusub saaxada siyaasada, hankiisa siyaasiga ahina la kowsaday xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka dib markii uu badhi taageero siyaasadeed iyo dhaqaaleba ka helay qoyska maal-qabeenka way nee Maxamed Saeed Ducaale (Dahabshiil). Laba kaclaynta hanka siyaasiga ah ee Wasiir Xirsi iyo badheedhaha hankiisa ku aadan musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ayaan la garan karin halka ay taageerada uu haystaa salka ku hayso. Dad badan oo siyaasada odorosa waxa ay is-waydiinayaa awooda dabada ka riixaysa hanka musharaxnimo ee Wasiir Xirsi dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba Madax-weyne Siiraanyo oo ay ku lammaan yihiin qoyskii Ganacsade Dahabshiil iyo in ay jiraan dad yow kale oo ay ka go’an tahay taageerada musharaxnimada Madaxweyne ee Wasiir Xirsi. Taageerada Madax-weyne Axmed Siiraanyo u hayo hanka iyo dadaalka musharaxnimo ee Wasiir Xirsi waxa kala cadayn doona hadba go’aanka uu ka qaato talada ah dib u dhigista Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga.
Xisbul xaakimka Kulmiye waxa horyaal arimo waaweyn oo ay tahay in uu ka tabaabushaysto. Bilowga diiwaangalinta cod-bixiyayaashu waxa ay ka dhignaan doontaa shaxdii doorashada oo la dagay. Haddii musharax ka soo jeeda beesha Waqooyiga, Koonfurta iyo Galbeedka Hargeisa soo bixi waayo inta ka horaysa bisha October 2015 oo lagu wado in ay bilaabmaan diiwaangalinta codbixiyayaashu, waxa la filayaa in aan deegaanda beeshaas ka dhicin is-diiwaangalin fiican oo mug leh. Taasi waxa ay dhaawici doontaa musharaxa Xisbiga Kulmiye ka soo bixi doona haddii dib loo dhigo shirka Golaha Dhexe, haddiiba aanu ku guulaysan tartankaas mudane Wasiir Xirsi. Arintani waxa ay fursad dahabi ah siinaysaa
Beesha Galbeedka Burco iyo Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani. Siyaasiyiin iyo aqoonyahan badan oo siyaasada faaleeya in Xisbi tartan doorasho ku jiraa sidaa Kulmiye oo kale ilaa daqiiqada u dambaysa la isla sugo in musharaxu cadaan waayo ama beesha ka dagaysa kursiga Madaxweynenimo shakhsiyaad ka soo jeedaa lugta jiidaan guusha Xisbiga, Xisbiyo kalena guushooda ka shaqeeyaan. Waxa kale oo saaxada siyaasada ku cusub in wiil uu adeer u yahay Madax-weynaha xilka haya uu han siyaasi ah oo gaadhsiisan ilaa in uu badalo oo uu ku xigo madaxweynaha maanta xilka haya uu soo baxo, doorasho iyo tartan xalaal ah oo uu Xisbiga dhexdiisa ku tartamana diyaar u noqdo.
Aqoonyahanka, culimada, siyaasiyiinta iyo dhallinyarada beesha Waqooyiga, Galbeedka iyo Koonfurta Hargeysa ayaa isha ku haya dhaq-dhaqaaqyadan cusub ee soo kordhay kuwaas oo karaar qaatay ilaa intii Wasiir Xirsi ku dhawaaqay hankiisa musharaxnimo ee Xisbiga Kulmiye dhexdiisa. Waxa ay si wayn u dhawrayaan go’aanka uu qaato Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee ku aadan qabashada shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga. Wax-garadka beesha Sacad Muuse waxa kale oo ay isha ku hayaan bal sida ay uga fal-celiyaan dhallinyarada, wax-garadka iyo madaxda dhaqanka ee Beesha Habar-jeclo dhawaaqa iyo hanka musharaxnimo ee Wasiir Xirsi. Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in ay socdaan shirar doceedyo lagaga tashanayo dhawaaqa musharaxnimo ee Xisbiga Kulmiye ee Wasiir Xirsi taasi oo guux badan ka dhalisay beesha dhexdeeda. Sida wararka aanu helaynaa tilmaamayaan aqoonyahan badan oo ka hadlay shirarkaas ayaa tilmaamay in laga dhur-sugo go’aanka madaxweyne Siiraanyo iyo fal-celinta waxgaradka iyo madax-da dhaqanka ee beesha Bariga Burco.
Si kastaba ha ahaatee Xisbiga Kulmiye ayaa maraya mar-xalad adag oo xasaasi ah. Kaliya waxa uu kaga gudbi karaa wada jir iyo isku duubni dhextimaada inta badan siyaasiyiinta iyo wax-garadka beelaha Bariga
Burco iyo Galbeedka Hargeysa. Waxa kale oo marxaladan adag lagaga bixi karaa kaliya go’aanka madaxweyne Siillanyo ee bad-baadinta Xisbiga si aanu u qaadin jidkii uu maray Xisbigii waynaa ee UDUB. Haddii taasi dhacdo waxay laf – jab iyo taariikh xumo hor leh ku tahay Madax-weyne Siilaanyo.
Waxa kale oo bur-burka Xisbiga raaci doona bur-burka ku iman doonaa is-bahaysigii jeegaanta ee uu Madaxweyne Siilaanyo xukunka ku fuulay. Waxa loo arkaa in bad-baadada labadaas arrimood ay ku xidhan tahay go’aanka uu Madaxweyne Siilaanyo qaato dhawaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com