“Baashe waxan leeyahay Beeshaadu waxa ay caado u yeelatay Inay Dhulbahante ka jaraan Somaliland sidii ina xaabsadeba Habeen u guureeyey,”Xildh. Cabdirashiid.
Hargeysa:(Hubaal)-Xildhibaan Cabdirashiid Sheekh Cabdilaahi Aadan oo Golaha Guurtida katirsan, kana soo jeeda Gobollada Barig Somaliland, ayaa Wasiirka Caafimaadka ka difaacay Eedo dhawaanahan uga imanayey Xildhibaan Dhakool oo Golaha Wakiillada Katirsan, waxana uu tilmaamay in Wasiirku yahay shakhsi horumarka dalka ku suntan.
Xildhibaan Cabdirashiid oo saxaafadda u warramayey, ayaa xildhibaan Dhakool iyo Waliba Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax ku tilmaamay rag fidno cusub abuuraya, isla-markaana wasiirka shaqadiisa caqabad ku ah.
Xildhibaanka oo arrimahaas ka hadlaya, ayaa waxa hadalladiisii kamid ahaa,“Waxa soo baxayey weerar qabyaaladaysan oo Baashe Maxamed Faarax iyo Dhakool ay ku hayeen wasiirka Caafimaadka, waxanse shacabka u sheegayaa in wasiir xaglo-toosiye uu yahay muwaadin shaqadiisa ka adag oo umadda daacad ugu shaqeeya, wasaaradda Caafimaadkana daryeella.”
Waxa uu Xildhibaan Cabdirashiid ku eedeeyey Xildhibaan Dhakool iyo waliba Guddoomiye Baashe inay ka xunyihiin shaqada wasiirku haatan hayo, isagoo sidoo kalena caado la wada yaqaanno ku sheegay in Deegaanada uu kasoo jeedo siyaasiyiintoodu lugta is wada qabtaan,
“Nimankaasi waxa ay ka xunyihiin horumarka uu Xaglo-toosiye gaadhsiiyey Somaliland, Had iyo jeerna haddii aanu dhulhabante nahay ninka Somaliland daacadda u ah baanu dacallada ku dhegnaa, Gobolkii Buuhoodlena horumar buu gaadhsiiyey oo waa la ogyahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdirashiid.
Waxa uu xildhibaanku ku Hanjabay inuu haatan wixii ka dambeeya u taagan yahay difaaca Wasiir Xaglo-toosiye, isla-markaana aanu dulqaadan doonin naqdin dambe oo xildhibaanadaas kaga timaadda, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waa ilaahay mahaddii haddii uu maanta Dhakool Dhulbahante sheegtay, Baashena waxan leeyahay Ba-hararsame waxa ay caado u yeelatay Inay Dhulbahante ka jaraan Somaliland sidii ina xaabsadeba Habeen u guureeyey, waxanse maanta u sheegayaa inaanu xaglo-toosiye kaligii ahayn aniguna aan la Safanahay.”
Waxa uu si gaar ah u eedeeyey xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo uu tilmaamay inuu Hoos u dhigay Kursigii Guddoomiyenimo ee Golaha Wakiillada oo Beelaha Bariga Somaliland lahaan jiryeen,
“Baashe waa ninkii ku Qancay in Kursigii Dhulbahante Somaliland ku lahaa kusoo celiyey ku-xigeen, madaxweynahana waxan u sheegayaa in Wasiirka lagu haysto kaliya inuu daacad kuu noqday, shaqadiisiina qabsaday.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdirashiid Sheekh Cabdilaahi Aadan.
SDN/QJ