|

Magaca Sarkaal Al-shabaab Katirsaa Oo Isku Dhiibay Ciidamada Dawladda Federal-ka ah

Baardheere:Aug,13,2015(SDN/QJ)-Sida ay sheegayaan wararka laga helayo Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxa ciidamada Dawladda isku dhiibay sarkaal sare oo katirsanaan jirey Kooxda Al-shabaa oo dhawaan halkaas xoog loogaga saaray.

shuoSaraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ee ku sugan Magaalada Baardheere, ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Sarkaalkan uu isku soo dhiibay maalinimadii Salaasadii toddobaadkan ciidamada ku sugan Degmadaasi Baardheere, kadib markii uu xidhiidh la soo sameeyay Saraakiisha.

Faarax Cabdi Casharo oo ka mid ah Saraakiisha Maamulka Jubbaland, ayaa wuxuu sheegay Sarkaalka isa soo dhiibay in lagu magacaaboo Ciise Cabdi Xersi oo loo yaqaan (Ilkacase) wuxuuna ka mid ahaa Saraakiisha Shabaabka ee Zakawaadka ka uruurin jiray Baardheere.

Ilka Case, ayaa wuxuu watay Qori Ak-47, Booshka qasnadaha rasaasta lagu qaato oo ay ku jiraan qasnado xabado ka buuxaan, waxaana lagu soo dhaweeyay Magaalada Baardheere.

Sarkaalkan isa soo dhiibay ayaa laga soo xigtay inuu ka baxay Ururka Al Shabaab uuna ka tanaasulay fekerkii Shabaabnimada, hadana uu doonaayo inuu si nabad ah ugu noolaado Magaalada Baardheere.

Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaaya kuwa Amisom, ayaa Bishii lasoo dhaafay la wareegay gacan ku haynta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo Shabaab muddo fog ay ka talinayeen.

Muddooyinkan dambe Saraakiil Shabaab ka tirsan ayaa isku dhiibaya ciidamada Dowladda ee ku sugan Gobolada dalka, xilli laba maalmood ka hor la sheegay in Baydhabo uu iska dhiibay Sarkaal Shabaab ka tirsanaan jiray.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed