MIDHKA MAANTA: BIYO LA’AANTA HARGEYSA IYO BOQOOLKA MAAREEYAHA BIYAHA. Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi
Waa qormadeenii qubanaha ahayd ee aynu ku gorfayn jirnay hadba xaalada maalintaas taagan taas oo aynu ugu magac darnay midhka maanta sidaa darteeda maanta waxaynu taaban doonaa biyo la’aanta baahsan hargeysa.
Biyuhu waa nolol, waxaana inoo sheegay Allaha koonkan abuuray ee mulkigiisu u sugnaaday, waxaanu Alle (SWT) inagu yidhi waxaanu shay walba oo nool ka yeelnay biyo .
Akhriste kolay waxaad ka dharagsan tahay xaalada biyo la’aaneed ee haysata magaalada iyo korodhka bulshada oo aan is lahayn sidoo kale waxa maalin walba dhagahaaga iyo indhahaaga daashayday ama ku soo noqnoqda iyadoo wakaalada biyaha ama wasaaradda biyuhu ka sheekaynayaan mashaariic waawayn oo ay leeyihin biyo balaadhintii caasimada ayaa hawsheedii bilaabantay geesta kale waxa iyadana maskaxdaada ku sawiran rajadii ahayd caasimadu sanadka 2015 biyo ayay la ciirciir doontaa halka maanta ay biyo la’aanta la tawaawacayso taasina waxay ina tusaysaa sidaan bulshada loo qiimayn ama garashadooda wax looga soo qaadayn ileen hadii qiimo loo hayo garashadeena waxa la inoo sheegi lahaa waxa qaldamay ama dib u dhaca keenaye! Haddii rajadu sidaa ahayd maantana xaalkeedu waa biyo col dhaanshay waxyaabaha yaabka een aan arkay waxa weeyaan in maanta degmooyinkii biyaha laga cabi jiray ay heedadaw biyo raadis ah ku jiraan iyagu haba joogaan meelihii aanay biyuhu gaadhi jirine. Waxa jira xogo sheegaya in mishiinadii biyaha geed deeble ka keeni jiray ay qaar cilad u fadhiisteen halka maareeyihii ka hawl gali lahaa cilad saaridooda iyo xalintooduna uu tamashle iyo barqo dharag ku joogo cariga ingiriiska, waxaana maanta foostada biyaha ah hargeysa lagu siinayaa lacag u dhiganta 2 doollar halka ay awal ka ahaan jireen wax u dhigma 1 doollar, mar aan la sheekaysatay dadka ay ugu jiraan qasabaduhu waxay ii sheegeen in hadii ay biyuhu u soo dhici wayaan waligood ay wakaalada biyuhu lacag 50,000 S/shilin ah ka qaado taasina ay qasab kaga dhigeen dadka oo aanay waxba ka galin in biyo la helay iyo in kale halkaasna waxa kaaga cadaanaysa inay wakaaladu ka fikirto uun dakhli sidii ay u heli lahayd uun balse aanay dan kale jirin. Geesta waxa iyadana wakaalada biyaha iyo xukuumaduba iska indho tiraysaa oo shan sanaba laalaada mashruucii biyaha xumbo weyne kaas oo masuuliyeenteenu ay jid iyo caad midna u saari la’yihiin ogowna mashruucaasi waa deeq alle inoo keenay ee maaha xoog iyo xiniinyo waxaynu ku keenay hadaba marka xaalku sidaa yahay ee kolba biyahaas gudi loo saarayo miyaanay ahayn inaan loogu tallo galin in magaaladu biyo hesho dadkuna noolaadaan xaqiiqatan waxa meesha ka muuqata sawir ah cidii noolaan kartaa ha noolaato cidii kalena ha iska huleesho. Waxaan qalinka ku soo xidhayaa tuducyo ka mida Maansadii Abwaan Hadraawi ee “Bulsho”
Ninkii ballankaaga qaaday
Ka baaqday xilkaad u dhiibtay
Ka baydhay ujeedadaada
Ku boobay adoo sabool ah
Ku wiirsaday baaba’aaga
Adoo bogan waayey taada
Ninkii u buseelay raaxo
Huwaday bulbushii libaaxa
Buruudkiyo shaashka qaatay
U booday cirkaa dusheenna
Bilkeeday laboontidiisa
Buurtuu koray waarin mayso
Heddiisana baajin mayso
Kub iyo bawduu ka jabi
Shantaana umal fool bashiishtay
Berdaanka xusuusta ii dheh
Bulshooy adigay boqraday
Beerkayga adaa gogladey
Bogeyga adaa huwadey
wadnaha adigaa barkaday
bishmaha adigaa furfura
Markii lagu bililiqaysto
Markii baaqagu yeedho
Ayaan boholyoow gabyaa
Dareenku baraarugaa
Bulshooy adigay boqrday
Adaa bili igu shakalay
Baruudka adaygu xidhay
Haddaan ahay wiil bir kulul
Burjiga adigaa iska leh
Badheedhka adaa i faray
Dagaalka adaa i baday
Belaayo haddaanay dhicin
Dantaada haddaan la bi’in
Haddaan baradaadu guban
Miyaynu is baran lahayn!
Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi
Email:Liibaanhanad79@gmail.com