|

Shacab Reer Suuriya Oo Ka Gadooday Toogasho Uu Wiil ay Madaxweynaha Dalkas Ilmaadeer ahaayeen ku Fuliyey Sarkaal Ciidamada katirsanaa

Damascas:Aug,12,2015(SDN/QJ)-Sarkaal la sheegay inay ilmaadeer ahaayeen madaxweynaha dalka Suriya Bashaar Al-asad, ayaa toogasho ku dilay Sarkaal ciidamada waddankaas katirsanaa, iyadoo dilkaasina ka dhacay goob aad looga naxay.

musloSuleyman Hilal al-Assad ayaa la sheegay in uu korneylka ku hortoogtay caruutiisa, kaddib markii uu dhex maray muran ku saabsan adeegsiga waddo magaalada Dimishiq ku taalla.

Dilka ayaa ka dhacay magaallo xeebeedka Latakia, waxana arrintaas si weyn looga hadal hayaa Gebi ahaanba dalka Suriya, iyadoo waddanka intiisa badani aanay gacanta ugu jirin Xukuumadda dalkaas.

Dibad baxyaal cadheysan ayaa mudaharaad sameeyay, iyagoo dalbaday in la toogto Suleyman.

Ma Jiraan ilaa hada Jawaab ka soo Baxday Madaxtooyada Dalkaasi Sidoo kalena Madaxwayne Asad ayaanan ilaa hada ka Hadlin Xaalada Dilkaasi

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed