“Qurbe joogga maanta Dalka yimi cashada yar ee la siiyey in la eego ma aha”Saylici
Hargeysa:Aug,12,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Somalilnad, ayaa markii ugu horraysay jawaab ka bixisay dhaliilo loogu jeediyey Casuumad ay dhawaan u samaysay Qurbejoog dalka dibaddiisa kasoo laabtay, taas oo la xidhiidhay in casuumadahaas loo fidiyey dadka intooda wax haysata xilli dadkii jilicdasanaa ay abaaro iyo baahi u dhimanayaan.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo shalay arrintaas ka jawaabayey, ayaa si cad u sheegay inaan loo baahnayn in carrabka lagu ballaadhiyo macsuumadaha qurbejoogga dalka, isagoo tilmaamay inay dadkaasi yihiin lafdhabartii umadda Somaliland.
Mudane Saylici oo arrimahaas ka Hadlaya, ayaa waxa uu yidhi,
“Waxaa jirtay Qurbejooga Somaliland oo habeen casho sharaf loo sameeyay in aad loo hadal hayay amma la leeyahay dad baa la casuumayaa umaddiina abaaro iyo gaajo ayaa haysa, haddaanu nahay madaxda qaranka ka qurbejooga ahna anaga uun baa ka masuul ah oo maanta Illaahay xilka noogu dhiibay, ka waddanka joogana anaga ayaa ka masuul ah, qurbe jooga in maalin xaflad loo sameeyana way mutaysteen oo waa laf dhabarta Somaliland,” ayuu yidhi Mudane Saylici.
Madaxweyne xigeenka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inaanay haboonayn in la eego casuumadaha qurbejoogga, isagoo ku dooday inay iyagu wax soo tari doonaan dadka dhibaataysan ee Haatan abaaruhu haystaan, waxana uu yidhi, “Qurbe joogga maanta yimid, waa kuwa arkay dhibaatada dalka ka jirta, ee abaaraha arkay, ee barrito wax ka soo tari doona, cashada yar ee la siiyayna in la eego maaha”
Dhawaan ayey ahayd markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo dhaleecayn ballaadhan kala kulantay casuumad ballaadhan oo ay u samaysay Kumanaan qurbejoog ah, kuwaas oo loo sameeyey xaflad aan macno badan lahayn, balse lagu burburiyey lacago dad badan oo dalka ku tabaalaysani baahi weyn u qabaan.
SDN/QJ