|

“Taliye Ciidan,Agaasimayaal,Wasiiro Ayaanu Lahaan Jirnay Xukuumaddii UDUB. Maalintii Uu Kulmiye Xilka Qabtay-na Dhamaan Wuu Daadiyay Oo Delete Ayaa Lasiiyay” Xildhibaan Dheeg.

Hargeysa,11Aug,2015(QJ/D]SDN)-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin(dheeg) oo ka tirsan Xildhibaanadda Gollaha Guurtidda Somaliland,isla markaas si weyn u difaaci jiray Xukuumadda,ayaa daboolka ka qaaday inuu ka rajogo-dhigay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,isla markaas uu gabi ahaanba ka baxay Xisbiga taladda Dalka haya ee KULMIYE oo Sannadihii danbe ku abtirsan jiray.

Xildhibaanka oo maanta qeybaha kala duwan ee Warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Hargaysa,ayaa sheegay in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo ay xilalka sare ee Xukuumadda ka qadisay Beesha uu kasoo jeedo.Waxa uu si cad u sheegay In Madaxweyne Siilaanyo fulin waayay balamo kala duwan oo uu la galay Beesha uu kasoo jeedo.

“Waxaan anigu ahaan jiray xildhibaanada aan guur-guurin oo halka lagu bartay ama halka uu joogi Difaaceeda ama ayidaadeeda ku nagaada ayaan ahaa oo waliba waxyaabaha ay ku Gardaran tahay Xukuumadu waligeedba difaaci jiray,waxa lagaga gardaran yahayna ka difaaci jiray.Laakiin KULMIYE markii uu maamulka la-wareegay Beesha aan ka tirsanay,waxaan uga jeeda mudane kasta waxa u beel ah inta codka siinaysa,taliye ciidan ayaanu lahaan jirayn Xukuumadii Udub,Agaasimayaal,Wasiiro Maalintii uu kulmiye xilka qabtayna Dhamaan wuu daadiyay oo Delete ayaa lasiiyay” ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.

Waxaana uu intaas raaciyay isaga oo hadalkiisa sii wata “Beeshu aniga ayay igu xaq dhawraysay meesha oo marba lahaa suga bal,ana waxaan halkan uga cadaynayaa inaan u haynin waxaan meesha uga yalaana am aan u hayaana anaay jirin ana quus aan iska taagay ,halkan aan ku biiri doono beesha ayaa I xukunta oo dib ayaan ka soo sheegi doonaa”. Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin(dheeg) oo ka tirsan Xildhibaanadda Gollaha Guurtidda Somaliland,isla markaas si weyn u difaaci jiray Xukuumadda,ayaa daboolka ka qaaday inuu ka rajogo-dhigay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,isla markaas uu gabi ahaanba ka baxay Xisbiga taladda Dalka haya ee KULMIYE oo Sannadihii danbe ku abtirsan jiray.

Xildhibaanka oo maanta qeybaha kala duwan ee Warbaahinta kula hadlayay Magaaladda Hargaysa,ayaa sheegay in Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo ay xilalka sare ee Xukuumadda ka qadisay Beesha uu kasoo jeedo.Waxa uu si cad u sheegay In Madaxweyne Siilaanyo fulin waayay balamo kala duwan oo uu la galay Beesha uu kasoo jeedo.

“Waxaan anigu ahaan jiray xildhibaanada aan guur-guurin oo halka lagu bartay ama halka uu joogi Difaaceeda ama ayidaadeeda ku nagaada ayaan ahaa oo waliba waxyaabaha ay ku Gardaran tahay Xukuumadu waligeedba difaaci jiray,waxa lagaga gardaran yahayna ka difaaci jiray.Laakiin KULMIYE markii uu maamulka la-wareegay Beesha aan ka tirsanay,waxaan uga jeeda mudane kasta waxa u beel ah inta codka siinaysa,taliye ciidan ayaanu lahaan jirayn Xukuumadii Udub,Agaasimayaal,Wasiiro Maalintii uu kulmiye xilka qabtayna Dhamaan wuu daadiyay oo Delete ayaa lasiiyay” ayuu yidhi Xildhibaan Dheeg.

Waxaana uu intaas raaciyay isaga oo hadalkiisa sii wata “Beeshu aniga ayay igu xaq dhawraysay meesha oo marba lahaa suga bal,ana waxaan halkan uga cadaynayaa inaan u haynin waxaan meesha uga yalaana am aan u hayaana anaay jirin ana quus aan iska taagay ,halkan aan ku biiri doono beesha ayaa I xukunta oo dib ayaan ka soo sheegi doonaa”. Ayuu hadalkiisa kusoo xidhay.

Comments are closed