|

C/weli Gaas oo Magaalada Gaalkacyo u Tagaya Furista Shirka Wada-tashiga Beelaha Punltand

Gaalkacyo,11Aug,2015(QJ/SDN)-Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Burtinle, kadib safar dhulka ah oo ay kaga soo Ambabaxeen Xarunta Puntland ee Garoowe.

 

C/wali Gaas ayaa waxaa safarkiisan ku Wehliya Xubno isugu jira Xildhibaanno, Wasiirro, Saraakiil Ciidan iyo Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo ahaan jiray Safiirkii Soomaaliya ee Kenya, isla markaana booqasho ku jooga Puntland.

 Madaxweynaha_Puntland_Gaas (2)

Ujeedka safarkan ayaa lagu sheegay in uu yahay sidii Madaxweynaha uu uga Qayb-galaya shirka wada-tashiga Beelaha Puntland, kaasoo lagu wado inuu dhamaadka bishan ka furmo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray deegmada Burtinle waxaa kusoo dhaweeyay shacab tiro badan, waxaana intaa kaddib uu kulamo la yeeshay qaar kamid ah hogaanka dhaqanka Puntland oo ku jiro Islaan Bashiir Islaan Cabdulle.

 

“Caawa wuxuu ku hoyan doonaa Deegaanka Xarfo, halkaasoo uu uga gudbayo Gaalkacyo si uu Furo Shirka ay isugu imaanayaan Beelaha Puntland,” ayuu yidhi Jaamac Maxamed oo ka mid ah Xubnaha la socda Wafdiga halkaas gaaray oo aan la xidhiidhay.

 

Ugu dambeyn, Shirka la Filayo in uu Magaalada Gaalkacyo ka Furmo ayaa dhowr jeer oo hore u baaqday arrimo farsamo, iyadoo la filayaa in looga hadlo isbedellada Puntland, xilli Horraantii Bishaan ay Puntland u Dabaal-dagtay 17-guuradii ka soo Wareegatay markii la Asaasay.

 

 

Comments are closed