Wejiga 3aad ee Mashruuca Waddada Cad (Hargeysa – Ina Guuxa) oo Qurbajoogta UK ee Ciidagale kulan ka yeesheen galabnimadii sabtida London
Waxaa galabnimadii sabtida ee bishan August 8, 2015, iskugu yimid qurbajoogta UK ee beesha Ciidagale iyagoo waxbin ka dhadaystay xubin ka tirsan hawl wadeenadda Mashruuca waddada cad oo u yimid London wacyi gelinta iyo u diyaargarowga dhaqalaha ($150,000) kaga soo qaybay qurbajoogta UK wejiga seddexaad (32KM) ee Qoolcaday ilaa ina Guuxaa, oo ah dhamaadka Mashruuca Waddada cad ee dhinaca Somaliland iyo Bilowga wejiga Koowaad ($20,000) ee Ina Guuxaa -Awaare oo dhinaca Ethiopia oo dawladda DDSI ay dhagax dhigtay.
Guud ahaan wejiga seddexaad waxaa lagu qimeeyey uqu dhawaan $3,100,000 waxaan la filaaya in ay ku dhamaandoonto sannad gudahii, haddii dhaqaaluha badankiisu ku soo wadda xaroodo muddo lixbilood ah. dhaqaalahaas oo loo kala qaybsadday Qurbajoog iyo Qolqol jog, dawladdana looga fidhiyo in ay ku soo dhakhsato qaybteeeda.
Maxamuud Muuse Goone, isagoo ka warbixinayaa labadii weji waddada cad ee dhamaaday wuxuu yidhi, ” Mashruuca waddada cadi wuxuu bilaabmay badhtamihii June 2012, wuxuuna socday imika seddexsano iyo badh, waxaana dhamaaday 36Km oo laami ahi, wejigii seddexaadna waxaa lasameeyey ilaa 2.5km oo wuu dhaafay Qoolcaday” isagoo sababaynaya dib u dhaca mashruuca wuxuu yidhi Maxamuud ” sababaha keeney in ayna waddadu soo jiitanto waxaa ugu weyna dhinaca dhaqaalaha oo ku socday yabooh manay jirin wax u sii meel yaalay, ta labaadna ciladdo qalabka wadda kolba ku imaanayey ayaa jirey, waxaa jirey iyan biyo la’aan ay waddadu hakad galaysay xiliga jilaalka (4 jilaal), ta afraad ee dibu dhaca doorka ka qaadatayna waa 10km ee dawladu ku balanqaaday oo si caajis iyo warwareejisa uga soo baxay oo mar ilaa 8 bilood!”
Mar wax laga waydiiyey tayadda wadda wuxuu sheegay in taydda wadda qaybaha danbe ay aad u sareyso dhinaca aasaaska iyo lakabka sareba lakiina qaybtii hore aynu ku layli baxney, dibna meelaha u baahan loogu noqonaayo dhismo iyo baladhinba,
Haddaba Maxamuud Muuse Goone oo ahaa masuul ka socda wacyigelinta Mashaaruucda Degaanka wuxuu si faahfaahsan uga hadlay dhawr mashruuc oo is kaabaya muhiimad weyna u leh degaanka dhinaca horumarinta iyo kobaca dhaqaalaha, mashaaruucdaas oo dhamaan loo bahanyanay in lawada baylah tiro wixii caqabada ah ee jirana laga hawlgalow xalintooda, lana wadda fahmo faaiidooyinkooda mashruuca banka is kaabaya.
Mashaaruucdaasi oo mid walba uu gooni u faahfaahiyey waxay kala yihiin una kala horeeyaan sida tan;
1. Mashruuca wadda cad: wejiga seddexaad ( final phase) oo bilow ah
2. Mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday oo ay wacyigelintiisu ay dhawaan bilaabmidoonto.dhawaan, taas oo uu qurbajoogta shirka ka saarey madmadow ku jirey mashruuca. Waxaa isna si qoto dheer
uga hadlay faaiidada Mashruuca Banka Pro. Ciise Xuseen oo sheegay in dhalilahi dhinaca farsamda ee mashruuca ku jirey laga saarey degaankana muhiimada koowaad la siiyey dhinaca biyaha, maamulka iyo manfacaba tiiyo kaabid iyo qeexed lagu sameeyey qaab qoraalkii hore ee mashruuca lagana tashaday aqoonyahao uu ku jiro.
3. Kastamka iyo Magaalaynta ina Guuxaa oo lagu jiro qorshaheedii dhinaca Somaliland iyo Itoobiya.
4. Mashruuca dhismaha wadada cad: ina Guuxaa ilaa Awaare (Ethiopia).
Hdaba gebegebadii shirka xibnahii ka soo qayb galay shirka oo ka goobna xubno ka tirsan Gudida beesha,Hablaha Gaaroodi, Gacan qabad, Haldoor, xubno ka socda Magaladda Birmingham iyo London ba waxaa laysku raacay in lacagta $170,000 ee ku qaybtay UK lakala qaybsado waxaana loo saaray guddi ka kooban 5 xubnood uu uu Gudoomiyo Pro. Ciise Xuseen (xilkoodu wuxuu ku eg yahay qaybinta lacagta).
Gudiga ku meel gaadhka ahi waxay iskugu iman doona kulan danbe usbuuca soo socda intaasna waxay xidhiidh la sii samayn doonta gudiyada magalooyinka, maadaama safarkii Maxamuud Muuse Gooni uu ku marilahaa magaalooyinka ay wax iska bedeleen oo uu ka amba bixi doono UK isagoo marin magaalooyinka kale sidii qorshuhu ahaa wuxuuna ka raaligeligelinyaa magaalooyinkii laga sugaayey warbixintiisa in aanu soo mari karayn doorkan.
Haddaba dhamaan waxaan ka codsaninaa in lays xilqaamo oo sida uga dhakhsaha badan loo diyaar garoobo bixinta dhaqaalahaa laguna soo xareeyo mudo kooban si loo ga midha dhaliyo wejiga seddexaad. Dhalinta Gacan Qabad waxay balanqaadeen in ay kafaala qaadayaan ururinta lacagaha London, Hablaha Gaaroodina iyaguna goonidooda isku abaabulayaan haddii Alla yidhaan. Haddaba gudddidida Qurbajoogta iyana waxaa looga baahan yahay dhiiri gelinta iyo Abaabulka iyo isku xidhka guud in ay si waxdaan xoojiyaan wacyigelinta.