War Deg Deg ah: Wasiir Ku Xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane C.kariin Axmed Mooge oo Is casilay iyo Sababaha ku dhaliyey
Hargaysa 11.Aug 2015 (SDN/QJ)- Wasiir ku Xigeenkii Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Mudane C.kariin Axmed Mooge ayaa Goor dhawayd Shaaciyay inuu Iska Casilay gebi ahaanba Xilkii uu ka hayay Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo.
Wasiir ku Xigeenkan oo ahaa Shakhsi dhallinyaro ah isla markaana laba Wasaaradood ka soo qabtay Mansabka Wasiir ku Xigeen ayaa sheegay inuu is casilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha Waxaanu sheegay inuu ku talo jiro sidii uu ugu madax bannaanaan lahaa Ololaha la dagaalanka qabyaalada iyo Sinnaanta Shacabka Somaliland.
Mudane C.kariin Axmed Mooge ayaa Qoraal Kooban oo uu ku faafiyay Barta uu ku leeyahay Shabakada Xidhiidhka Dadweynaha ee Facebook Waxay u dhignayd Sidan.
“Waxaan halkan ku cadaynayaa in aan iska casilay xilkii aan ummada u hayay is-casiladeydiinaa aan u gudbiyay madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland, waxaan uga mahad naqayaa madaxweynaha xilalkii kala duduwana ee uu magacaabey si aan ummadadeyda ugu shaqeeyo.
Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa labadii wasiir ee aan la soo shaqeeyay intii aan ka tirsanaa xukumadan Somaliland, Dr Sacad Ali Shire iyo wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka bada Mudane Ali Jama bureed oo ah laba nin oo aan ixtiraam u hayo iyo shaqaalihii labada wasaaradood. Waxaan mahad taas la mid ah u dirayaa qofkasta oo igu tageeray intii aan xilka ummada u hayay.
Waxaan rabaa uun in aan u madax banaanado hawlo ii gaar ah, oo ay ugu weyntahay Oloolaha la dagaalanka Qabyaalada iyo u doodida sinaanta shacabka Somaliland.”