War Deg Deg Ah: Saraakiil Ciidanka Millatariga Somaliland Ka tirsan Oo Goordhaweyd Lagu Toogtay Magaalada Boorama
Boorama,11Aug,2015(QJ/SDN)- Wararka ka imanya magaalada Borama ayaa sheegaya in barqadii maanta nin askari ah uu toogtay mid ka mid ah taliyaasha aagga galbeed ee milateriga Somaliland, gashaalne sare Xasan Caqli iyo xiddigle Faarax Carraale.
Gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay toogashadaasi.
Wuxuu gudoomiyuhu sheegay gaashhanle sare Xasan Caqli uu qabo dhaawac helis ah, haatana lagu daaweynayo cisbitaal ku yaalla magaalada Boorama, halka xiddigle Faarax Carraale uu goobta ku geeriyooday.
Gudoomiye Ramaax waxa uu intaa ku daray in askariga toogtay saraakiishan oo ku sugnaa xerada milateriga ee magaalada Boorama markiiba la qabtay oo uu hadda xiran yahay.
Waa sarkaalkii afaraad ee ka tirsan ciidammada Somaliland oo labadii sano ee u danbeeyay ay toogtaan askar ay u talinayeen.
Wixii Warar Ah Ee Kasoo Kordha Arrintaasi Halkan Kala Soco Insha Allah.
QJ/SDN: Borama