|

Al-shabaab Oo Ciidamada Ethiopia Qarax Kula Eegatay Deegaanno Katirsan Gobolka Hiiraan Iyo Wararkii Ugu Dambeeyye

Buqda:Aug,11,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Deegaanka Buqda ee Gobolk Hiiraan, ayaa sheegaya in ururka Al-shabaab ay qarax la eegteen ciidamo Ethiopian ah oo meel waddo ah marayey, iyadoo halkaasna uu kadhacay khasaare kala duwani.

reercWararku waxa ay  sheegaan in maalintii shalay duhurkii qarax xooggan lala helay isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamada Xabashida Itoobiya, waxana la tilmaamayaa inay tiro askar ahi halkaas ku geeriyoodeen.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ay toogtay agaasimihii shirkadda isgaadhsiinta NATIONLINK ee deegaanka Buqda iyagoo bililiqo xooggan u geystay gooba ganacsi.

Dhinaca kale Ciidamada Jabuuti  halkaas ka jooga, ayaa  la sheegayaa inay dhac iyo boob ka geysteen tuulada Luuq Jeeloow ee dhacda duleedka magaalada Beled weyne.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporenws.com

 

Comments are closed