“Waanu soo dhaweynaynayaa inkastoo ay arrintu habsaantay oo laba bilood iyo badh dhaaftay….”Guddoomiye Faysal Cali-waraabe
Hargeysa:Aug,11,2015(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid En.g Faysal Cali Waraabe, ayaa ka Hadlay Go’aankii madaxweyne Siilaanyo ku gaadhay inuu Maxkamadda sare ugu gudbiyey waraaqda nuxurkeedu ahaa inay Go’aan ka gaadho Muranka ka taagan Muddo-kordhintii Guurtidu u samaysay xukuumada iyo Wakiillada u samaysay, waxana uu tilmaamay inuu arintaas soo dhaweynayo.
Faysal cali Waraabe oo idaacadda BBC-da u warramay, ayaa sheegay inay filayaan inay maxkamaddu arrintaas caddaad kasoo saari doonto, isagoo intaas ku daray inay fiicanayd inuu madaxweynuhu goor hore go’aankaas qaato, “waanu soo dhaweynaynayaa inkastoo ay arrintu habsaantay o laba bilood iyo badh dhaaftay, waana tallaabo xagga hore loo qaaday.Go;aanka maxkamadda waanu sugaynaa waana ranaynaynaa inay caddaaladda ka garnaqi doonto, shacabkuna waa sugayaan.” Ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.
Dhinaca kalena waxa uu Guddoomiye Faysal Cali-waraabe ka Hadlay muranka ka taagan Xeerka doorashooyinka Golaha Wakiillada oo dhawaanahan mudanayaasha Galbeedka dalku cabasho badan ka muujinayeen, waxana uu sheegay in arrintaasu talo badan u baahan tahay, waxana uu yidhi, “Waa waxyaabihii aan lahaa aynu shir qaran ka yeelano, arrintanina arrin baarlamaank dhamayn karo ma ah, berigii horena annagaa dhammaynay, waana in talada madaxweynaha la gaadhsiiyaa, haddii aynu isku raaci weynona aynu isla meel dhigno inaynu ta aynu haatan haysanno bisinka u qabano.”
Hadalka Guddoomiye Faysal ayaa ka dambeeyey Waraaq uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo u gudbiyey Maxkamadda sare, taas oo uu kaga cosadanay inay go’aan ka gaadhaan Muranka ka taagan muddo-kordhinta Xukuumaddiisa iyo Wakiillada ay u sameeyeen Golaha Guurtidu, waxana la filayaa in Go’aan dhinacyadu ku qancaan dhawaan lasoo saari doono.
SDN/QJ