“Hantidii umadda iyo guryihii la iibiyay markey dhamaadeen ayaa Saldhigyadii loo soo dhiganayaa oo dadkii ku dhadhawaa la leeyahey hudheelaanu ka dhisaneynaaye khasab halanaga iibiyo…”Jamaal Cali Xuseen
Hargeysa:Aug,11,2015(SDN/QJ)-Jamaal Cali Xuseen, Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, ayaa maalintii shalay booqday goob buuq badani ka taagan yahay oo ay ciidamada Boolisku ku dileen wiil yar oo aan wali qaan-gaadhin, iyadoo sidoo kalena dhaawacyo kala duwan la gaadhsiiyey xubno kale oo qoyskaas kamid ah.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu halkaas kula kumay dadweyne aad u cadhaysan, waxana uu u muujiyey inuu qoyskaas la qaybsanayo murugada ay qabaan, isla-markaana uu ka xun yahay waxyeellada ciidamada ammaanku geysteen,
“Waxani waa Dulmi weeyaan marka hore in Saldhig umada ka dhexeeya la iibiyo ma ogolin, waa marka labaade qof inta Guri uu leeyahay layidhaa xoog baanu kaaga qaadaynaa oo xoog nagaga iibi oo markuu diidana waraaqo been ah loo soo sameysto,taana ma ogolin is dajiya is dajiya ubadkiisana qof la laayo maynaan arag,waxan ka tacsiyeynayaa reerkii dhibatadaasi ku dhacdey,waar umadan dulmiga halaga daayo,waar hantidii umada iyo guryihii la iibiyay markey dhamaadeen ayaa Saldhigyadii loo soo dhiganayaa,markaasaa dadkii ku dhadhawaa la leeyahey hudheelaanu ka dhisaneynaaye Gurigii ku xigey khasab halanaga iibiyo waar waxaasi wax aynu u dulqaadneyno ma aha,xukuumad wakhtigeedii dhamaaday in ay dalka boobto waar mudo korodhsigu ma boobaa,adeer ma ogolaaneyno ee niyada u sheega taa”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid.
Waxa kale oo iyaguna halkaa si murugo leh dareenkooda ugaga celiyay dhacadadan Haween tira badan oo qaarkood kamid yihiin ehelada Qoyskan dhibaatadu ku dhacdey kuwa kalena,kamid yihiin dadkii dariska la ahaa Qoyskan,waxaana kamid ah hadaladoodii.
“Xaqoodiibaa lagu Dilayaa Dowladaa Dileysa duunyadoodii bay ku dilaysaa halkay ku dhasheen bay ku dileysaa” Sidaa Waxa Tidhi Hooyo aad u murugeysan oo ay ehel yihiin Qoyska laga diley wiilka yar.
“Markii la xidhey Odeyga ayaa Ciidamada Boolisku yimaadeen iyo RRU waxa uu amrey Af Nin Go,ay Le ninka layidhaa Toogta Ciyaalka iyo Dumarka markaasaa inanka yar xabad madaxa lagaga dhuftey,ninka huteelka iyo kaalinta leh ayaa dhulkoodii ku dul damcey, Maayarkuna shan habeen ayuu qoyskan kusoo noqnoqdey, shan qof ayaa dhaawac ah qoyskan mid kamid ah oo kuwii ugu yaryaraa ahina waa meyd,hooyadii dhashey ilmahaa meydka ah dharka ayuu Taliyuhu ka saarey,ceyna umuu reebin” Sidaana Waxa tidhi Gabadh kale oo kamid ah dadka dariska ah la ah qoyskan dhibaatadu cuskatey.
SDN/QJ