|

Iscasilaadda Cirro, Tartanka Buuxinta Jagadiisa Iyo Xeerka Doorashada Wakiiladda

Hargeysa,10Aug,2015(QJ/SDN)- Iyadoo uu shalay furmay kalfadhigii 28aad ee golaha Wakiiladdu, isla markaana uu horyaalo xeerka doorashada Xildhibaanadda Wakiiladda, ayaa waxa isa soo taraya warar ishaaraya in gudoomiyaha golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi uu iska casilayo jagada gudoomiyaha golaha oo uu haatan hayay toban sanno iyo dheeraad.

cirro

Xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo ku dhawdhaw xisbiga Waddani, ayaa tibaaxay in gudoomiye Cirro goostay inuu u go,o hogaaminta xisbigiisa, isla markaana uu ka tago jagada gudoomiyaha golaha Wakiiladda. Xoggahaasi waxay intaa ku dareen, in la filayo in gudoomiyuhu jagadda Wakiiladda banneeyo kadib ansixinta xeerka doorashada Baarlamaanka oo la sheegay in xildhibaano golaha ka tirsani shalay u gudbiyeen shir gudoonka golahaa xeerkii hore si kaabis iyo wax ka bedel loogu sameeyo, kaasoo lagu tilmaamay ka ugu sahlan ee lagaga gudbi karo caqabada ku gedaaman curin cusub, maadama la samaynayo diiwaangelinta codbixiyayaasha oo lagu sheegay inay tahay shuruuda keliya ee isticmaalkiisa lagu xidhay xilligii doorashadii hore ee Baarlamaanka la qabtay.

Dhanka kale durba waxa soo ifbaxaya tartan loogu jiro jagada gudoomiyaha Wakiiladda, kuwaasoo ay ka mid yihiin xubno muxaafidiin ah iyo qaar mucaarid ahiba, ilaa haddana inta la og yahay uu ku dhawaaqay Xil. Maxamed Jaamac Cabdi. Dhanka kale jagada gudoomiye xigeenka koowaad ayaa iyana ka mid ah jagooyinka lagu loollamayo, waxaana ilaa hadda is muujiyay xildhibaan Maxamed Jaamac. Warfaa(Wedka).

 

Xigasho: Ogaal

Comments are closed