Baarlamaanka Somalia oo lagu mashquuliyay dan aanan aheyn tii Qaranka
Muqdisho,9Aug,2015(QJ/SDN)-Baarlamaanka Somalia ayaa waxaa laga mashquuliyay howshii ay u hayeen Qaranka Somaliyed, iyadoo xubnaha Baarlamaanka lagu mashquuliyay safaro dibada ah iyo ka qaybgalka kulamo aanan macno badan ugu fadhin Somalia.
Xildhibaanada Baarlamaanka oo masuul ka ah Umadda Somaliyed, ayaanan diirada ku saarin kulamada ay Muqdisho ku yeeshaan waxyaabaha muhiimka u ah umadda Somaliyed wakiilka ugu yihiin, iyadoo taasi ay jirto ayeey dadka reer Muqdisho dhibaato ku qabaan kulamada Baarlamaanka oo Baarlamaanka waxaa loo xiraa wado muhiim u ah Isticmaalka dadweynaha xilliyada ay kulmayaan.
Xubno badan oo Baarlamaanka ka tirsan ayaa ka maqan fadhiyada Baarlamaanka ay yeeshaan oo xilliyada qaar u baaqda kooram la’aan maadaama sharciga Baarlamaanka uu dhigaayo in 139 Xildhibaan kulanka uu ku furmo.
Axmed Aabi Aadan waa Xildhibaan Baarlamaanka Somalia ka tirsan wuxuu sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka la mashquuliyay si aysan ugu mashquulin arimaha Doorashada dalka ka dhaceyso iyo in Dowladda waqti aysan ku darsan.
Guddoonka Baarlamaanka ayaa wuxuu ku eedeeyay in ay fasaxeen 50 Xildhibaan, sidoo kalena siminaar loo diray Laba guddi oo Baarlamaanka ka tirsan, taasna ay sahashay in fadhiyada Baarlamaanka ay baaqdaan.
Xildhibaano Baarlamaanka ka tirsan ayaa waxa ay joogaan Magaalada Nairobi, qaar kale ayaa waxa ay ku sugan yihiin Magaalada Kampala ee dalka Uganda, kuwa waxa ay joogaan dalka South Afrika, dhamaan Xildhibaanadaan Siminaaro iyo shaqooyin aanan muhiim u aheyn dalka ayeey waqti badan iyo dhaqaalo ku bixiyaan.
Wasiirada Xukuumadda intooda badan waa Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia ma xaadiraan kulamada Baarlamaanka ay ku yeeshaan Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ee diirada lagu saaro ka hadalka sharciyada dalka.
Waxaa muuqata in Baarlamaanka lala ciyaaraayo siyaasad aysan fahansaneyn, maadaama hadii Xildhibaanada ay dalka si toos ah u wada joogaan ay ku mashquulayaan ka hadalka Siyaasada dalka, doorashooyinka dhismaha Maamul Goboleedyada iyo howlaha kale ee Qaran ee Baarlamaanka aanan la horgeynin.
Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil, ayaa dhawaan ku eedeeyay Baarlamaanka Somalia inay ka mashquuleen la socodka heshiisyada Xukuumadda ay la galeyso Shirkadaha shisheeye, xilli uu ka hadlaayay sharci ahaanshaha heshiiskii Xukuumadda iyo Shirkada Soma Oil & Gas ay wada galeen.
Wakiilada shacabka wax iskama weydiiyaan dadka rayidka ah ee lagu laynaayo Magaalada Marka, shalay oo ugu dambeysay ciidamada Itoobiya ayaa dad shacab ah waxa ay ku laayeen deegaanka Halgan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Sikastaba Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa u dhaartay inay u adeegayaan danta Qaranka Somaliyed, balse dhaartaasi waxaa bedeshay in Xildhibaanada ay u adeegaan jeebkooda.