Warbixin Dheer oo Xaqiiqo iyo Dhacdooyin Xanbaarsan “Shirqoolkii Dhaqanka iyo Duulaankii Diinta Islaamka ee Somaliland.
Hargeysa,9Aug,2015(QJ/SDN)-Wuxuu ahaa duulaan dhagaraysan iyo shirqool mudo badan laga soo shaqaynaayey sidii Somaliland u noqon lahayd dalkii u horeeyey ee Islaam ah oo ay ka qabsoonto ololaha barnaamijka ay madaxweynaha ka tahay haweenayda ku caan baxday u dagaalanka guurka dadka isku jinsiga ah.
Jude Kelly sidii hargeysa loo keeni lahaa waxaa la geliyey dedaal iyo shaqo aad u badan waxaana ugu dambayn suurta gashay in dhexda loo soo geliyo kooxo kala midabo ah balse ka siman mabda’a kaafirnimada.
Boqolaal kamid ah dhalinyarada ku dhaqan gobolada Somaliland bari iyo galbeedba ayaa laysugu keenay kuwaaso da’doodu u dhaxayso wiil iyo habloba 18 ilaa 25 jir, dhalinta goobta laysugu keenay waxay mudo sideed sanadood ah gobolada dalka wakiilo iyo adeegayaalba uga ahaayeen hawlwadeenada barnaamijka “BOOK FAIR” kuwaaso xarumo iyo xafiisyoba dhalinyarada uga furay gobolada dalka.
Walow sanadihii hore bandhiga buuwaagaagta dhaqamada laga biyo diido kuwooda ugu waaweyni ay ahaayeen is dhex galka dhalinyarada, jaaska iyo qoobka ciyaarka iyo wada cawaynta dad aan diintu isu ogolayn, hadana sanadkan oo ah kii sideedaad ayaa waxa uu dibada usoo saaray Nidaamka halista badan ee hore illaahay ugu rogay qoomam kamid ah qoomamkii ka horeeyey qoomkeenan maanta.
Shan dhacdo ayay ahaayeen dhacdooyinkii ka dhanka ahaa diinta islaamka iyo dhaqanka suubanba kuwaaso si’aan gabasho lahayn iyo si xeeladaysanba loogu soo bandhigay Madashii Hutel Guuleed ee bandhiga Buugaagta.
Si’aan qodob-qodob ugu dul istaago una cilmeeyeeyo aan ku horeeyo laba arin oo iyagu sicad u qeexaya qisooyinka foosha xun ee looga gol lahaa bandhigii buugaagta, run ahaan dadka reer Somaliland waa dad masaakiin ah oo ay fududahay sida waxyaabo faro badan loo soo dhex gelin lahaa, idaacada dawlada ee Radio hargeysa iyo Tilifishanka ku hadla afka xukuumada waxaa si hagar la’aan ah looga baahiyey xayaysiiska barnaamijka bandhiga buugaagta kaaso siweyn loogu buun-buniyey Barnaamijka “WOW” kaasoo laga dhigayey inuu yahay barnaamij qiimo weyn dumarka iyo dhalaanka ugu fadhiya oo aad u xiiso badan islamarkaana somaliland u tahay fursad ay taariikhda markii u horeysay nasiib u yeelatay in lagu soo bandhigo barnaamijka “WOW” hadaba waxaa isweydiin mudan ujeedada loo mataaneeyey Imaatinka Haweenayda Madaxweynaha ka ah Ururka u dooda guurka dadka isku jinsiga ah ee la magac baxay “WOW” iyo bandhiga Buugaagta oo loogu magac daray isla magaca ururka “WOW”.
Bandhiga barnaamijka buugaagtu waxa uu sanadkan meel isugu keenay tiro aan wax badan kala yarayn oo isu jirta gaal iyo Islaam labadaba waxaana halkaasi cidkastaaba kusoo bandhigeen wixii ay ugu soo talo galeen ka qayb qaadashada munaasibadaasi, hase ahaatee Barnaamijka “WOW’ wuxuu ahaa mid si gaar ah madasha loogu maamuusayey oo aad loo weynaynaayey, kaasi oo markasta laga saraysiinayey barnaamijyada kale qawl-san iyo qawl-siloon labadaba dhex taalkoodu wuxuu ahaa “WOW”.
Run ahaan bilow iyoo dhamaad barnaamijku wuxuu ahaa mid meel ka dhac ku ah umada muslimiinta ah ee la dhex keenay, waxaana xusid mudan in raga hawsha watay ee ilaa WOW meesha isu keenay inay ahaayeen rag caqli iyo garasho xeeladaysan u saaxiib ah oo mararka qaarkood aad is oranayso waxa ay kasoo mid ahaayeen ama kaba tirsan yihiin Basaasiinta caalamka, tusaale kooban hadii aan soo qaato, waxaa madasha laga ilaaliyey gebi ahaanba in warbaahinta qaybaheeda kala duwani fursad u helaan inay six or ah u duubaan barnaamijyadaasi, waxaa run ahaan layaab ahayd dhamaan saxaafadii lasoo casumay bilow munaasibadaba hal meel inta laysugu keenay ayaa mid walba gaar loogula heshiiyey baahinta barnaamijka iyo warka waxaana shuruud gaar ah looga dhigay in aanay iyagu qalabkooda waxba ku duuban Karin balse wixii war ahaan ay ugu talo galeen iyo wixii barnaamij ahba xafiis kasta oo warbaahineed falaash loogu keeni doono sidaasna ay ku baahin doonaan, taaso looga jeeday inaan warbaahintu helin wax xog ah oo fashilin kara shirqoolkooda dhaqanka iyo duulaanka diinta.
Shanta dhacdo ee meesha ka dhacay kuwoodi ugu darnaa ee diinta ka dhan ahaa aan dul istaago.
1-Waxaa madasha laysugu keenay dad intooda badan aad u arkaysan kuwo lasoo balamiyey oo xataa hadalada meesha ay ka jeedinayaan ay yihiin kuwo hore loogu qaybiyey, tusaale ahaa Culimo-awdiinta Somaliland dhankooda rag la sheegay inay ka socdeen oo madashaasi lagaga hadal siiyey waxay goobtaasi gaaladii barnaamijka wadatay u muujiyeen in muslimiinta reer Somaliland ay yihiin kuwo qaybiba jihada ay doonto u jeedo, aan soo qaato hadalo kooban oo ragaasi meesha ka jeediyeen waxaa kamid ahaa “Anigu waxaan ka socda Fariiqada Cilmaaniyiinta, waxaanuna nahay kuwo keliya eek u taagan dariiqii saxda ahaa,, Anigu waxaan kasocdaa fariiqada Wahaabiyiinta, waxaanuna aaminsan nahay in aanu nahay kuwo keliya ee haysta dariiqii wanaagsanaa” , “Anagu waxaanu taabac sanahay Sayid Cali oo shiicaduna waa Islaam”., waxaa dhinac taagan nin kamid ah hawlwadeenada hay’adda oo gaalada barnaamijka wadata usii turjumaya mid kastaaba wuxuu yidhi iyo fariiqada uu katirsan yahay halkaasna waxaa gaaladu la tusay in dadka muslimiinta ah ee ku nool Somaliland ay yihiin kuwo kala tafaraaruqsan oo masiibo ku habsatay sidii la doonona wax loo dhex marsan karo.
2-Dhacdadii labaad waxay ahayd Kulamadii gooni gooniida ahaa ee Haweenayda Jude Kelly la qaadatay dumarka oo ka ugu darani ahaa midkii loo soo xulay gabdho ka badan boqol kuwaaso da’ahaan aan labaatan dhinacna u dhaafin oo qurbo joog iyo qolqol joogba leh, islamarkaasina Sayncadaalay Jude ay u qaybisay buwaag iyo cajalado u sahlaya suurtagalnimada guurka dadka isku jinsiga ah, kulamadaasina waxay ahaayeen kuwo si gaar ah loo duubay balse ka dhacay hoolal ka baxsan hoolkii weynaa ee bandhigu ka socday.
3- Dhacdadii sadexaad waxay ahayd raaligelintii haweenaydaasi iyo xulufadeeda ay u sameeyeen dadkii cilmiga iyo caqligaba loo tuhmaayey rag iyo dumar kuwaaso ay kamid ahaayeen, Marwada koowaad ee Somaliland, Haweenayda caanka ah ee Adna Aadan, Wasiirka arimaha dibada Maxamed Biixi iyo Wasiirka Qorshaynta qaranka Sacad Cali shire, kuwaaso xataa u kala tartamaayey karaamaynta haweenayda kufrinimada ku darsatay gefka kitaabkeena munasalka ah.
Inta badan dadkii garaadka iyo aqoonta lahaa ee madasha lagu soo casumay gaar ahaan, qorayaasha iyo Abwaanada waxaa lasiinayey fursado ay kaga qayb qaataan bandhiga buugaagta oo ahaa ujeedada lagu soo casumay, balse waxaa xusid mudan dadka madashaasi kulmisay ma ay ahayn kuwo dhaadan ama wax iska weydiiyey waa maxay magacan la weynaynayo ee “WOW’’ taaso ay u sabab ahayd marin habaabin iyo khiyaamo aad u xeeldheer oo shaadh lagu qariyo looga dhigayey barnaamijka “WOW’’ kaaso ahaa bulshada oo kaadhadh martiqaadka ee loo qaybiyey ay ku qornayd “Waxaa taariikhda markii koowaad inagala soo qayb galay bandhiga barnaamijka ergo balaadhan oo ka socota dal weynaha Nigeria kuwaaso inoo wada barnaamij xiiska xiisaha leh ee “WOW”. Waana sababta aan dadkuba wax isaga weydiin ama aanay ilaa dhamaadka bandhiga ka hor aanay ugu baraarugin dantii ay lahayd Maamada Macsida Mrs Jude Kelly.
Boqolaalkun oo dollar lacag aan ka yarayn ayaa waxaa lagu kharash gareeyey qabsoomida barnaamijkan iyo magaca “WOW” waxaana xusid mudan in madasha laga cadeeyey isla markaana boodhadh waaweyn lagu xardhay inay naagta Jude Kelly iyo ururkeedu maalgeliyeen bandhiga sanadkan.
Walow Maalintii jimcaha culimadu masaajidada hargeysa khudbadihii salaada jimce ay kusoo wada qaateen jariimada iyo duunbta ay leedahay imaatinka Haweenaydaasi iyo weliba shirqoolka dhaqanka iyo diinta Islaamka ay loo maleegay ee madashaasi ka dhacay.
Sikastaba ha ahaatee waxaan shaki kujirin inaan haweenaydaasi iyo kooxihii kufaarta ahaa ee la socday ay gaadheen dantii ay ka lahaayeen imaatinka Somaliland iyo maalgelintoodu munaasibada bandhiga buugaagta, waxaan makhraati kuugu filan in haweenaydaasi Baanka ururkooda ka bixisay kharashka ku baxay bandhiga barnaamjikaasi sawirada warbixinta kaaga muuqda.
Waxaa kale oo iyana hubaal ah inay dhaawac iyo dhabar jebinba ku tahay hankie iyo hamigii bulshada reer Somaliland u qabeen Barnaamijka bandhiga buugaagta ee “BOOK FAIR” waxaana suurtagal ah inay adkaato qabsoomida barnaamijkaasi sanadaha soo socda, taaso ay sabab u tahay shirqoolka qaran iyo shacaba lagu shirqoolay haweenaydaasi iyo ururkeeda “WOW”.
Sikastaba ha ahaatee Somaliland waxay noqotay dalkii u horeeyey ee %100 dadkiisu muslimiin yihiin ee haweenaydaasi si xor ah uga degto kuna soo bandhigto fikiradeeda kufrinimo.