|

Dhallinta Tahriibaysa Oo Si Sahlan u Hesha Baasaboorka Somaliland Iyo Habacsanaan Ku Dhereran Helitaankiisa

Hargeysa:Aug,08,2015(SDN/QJ)-iyadoo Tahriibka ama Sibiq-dhaqaaqa Da’yarta Reer Somaliland maalinba maalinta ka dambaysa Xadhkaha sii goosanyo, ayaa ay dhallinta tahriibaysaa Baasaboorka Somaliland u isticmaalaysa Dokument ay ku galaan Dalka Ethiopia oo ah goob aan si  fudud lagu geli Karin.

jmhoDabagal uu arrimahan wargeyska Hubaal ku sameeyey ayaa waxa lagu ogaaday in caqada Dhallinyarada tahriibka u xiiso qabta ka haysta dalka Ethiopia oo aanay si fudud ku geli Karin ay ku xalliyaan Qaadashada Baasaboorka Somaliland oo Xafiiska Ethiopia ee Hargeysa si fudud ugu fiisayso cid kasta oo sidataba.

Dhallinyaradan oo maanka ku haysa in Gudaha Dalka Ethiopia ay geli karaan oo kali ah cidda sidata Dokumenti dalkaas laga oggol yahay ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey safaf dhaadheer u galay qaadashada Baaasaboorka Somaliland oo aanay jirin wax shuruudo adag oo lagu xidhayo qaadashadiisa.

Dhallinyaradan oo qaarkood aanay gaadhin Da’da sharciyan loogu talo galay inay Baasaboorka qaataan, ayaa lagu arkayaa iyagoo gaaf wareegaya Xarunta Guud ee Laanta Socdaalka Somaliland, iyagoo ka faa’idaysanaya habacsanaanta xafiiskaas iyo moogganaan la’aanta aanu xafiiku xog badan ka haysanin sababta keenaysa inay Dhallintaasi si  soo kordhaysa ugu qaadanayaan Baasaboorka Dalka.

U Guurgal Wargeyska Hubaal ku sameeyey hannaanka masuuliyiinta Waaxda Socdaalka Somaliland u bixiyaan Baasaboorka Dalka, ayaa waxa aanu ku oggaanay inay aad u kooban yihiin shuruudaha lagu xidho qofka qaadanaya Baasaboorka, iyadoo dhallinyaro badan oo wax ka ogayn qaadashadooda la weydiinayey su’aalo  la xidhiidha sababaha ku kallifay qaadashada Baasaboorka, iyagoo qaarkood keenay Dokumentiyo  ay kamid ahaayeen waraaqo Caafimaad, qaar la sheegay inay safaarado ka siteen iyo qaar kale oo goobo waxbarasho ay ka siteen.

Dhammaan shuruudahaas ayaa ahaa qaar si fudud loo jabin karo, waxana xarunta Socdaalku aanay haysanin wax ay ku xaqiijin jiritaanka Dokumentiyada la horkeenay oo u muuqday qaar si fudud loo been abuuri karayey.

Waxyaabaha kale ee dhallinyarada Baasaboorka qaadanaysa lagu xidhay ee aanu aragnay, ayaa waxa kamid ah  damiin loo diray, iyagoo keenayey shakhsiyaad ay ku sheegeen inay waalidood yihiin, balse ma jirin wax intaas dhaafsiisan oo caddayn u noqon kara inay waalidiintaasi dhallinyaradaas dhaleen, iyadoo aan la weydiinayn wax document ah oo ay waalidnimadooda ku caddaynayaan.

Dhammaan arrimahaas iyo qaar kale oo la xidhiidha, ayaa dhiirrigeliyey inay dhallinyaradu si fudud u hesho Baasaboorka Somaliland, iyagoo isla marka ay helaan ula dhaqaaqa dhinaca Xafiiska Ethiopia ku leedahay magaalada Hargeysa si fiisaha ay uga qaataan.

Waxa si fudud gudaha ugu galaan Dalka Ethiopia, iyagoo halkaas kasii amba qaada Socdaalkooda tahriibeed oo aakhirka in badan oo kamid ah Dhaxalsiiya Geeri naxdin leh oo Murugo badan ku reebta waalidkii kusoo tabcay iyo saaciibadii kaleba.

Tallaabooyinkan ayaa ah qaar halis ku ah nolosha dhallinyarada Somaliland, iyadoo laanta socdaalka dalkana ay u egtahay mid door weyn ku leh dhaqaaqa da’yarta dalka oo ah aafo aan wali maaraynteedii xukuumaddu ku guulaysan.

Xigasho:Wargeyska Hubaal

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed