Warshadda Kalagsharka Oo Halis Caafimaad iyo Mid Deegaanba Ku Haysa Dadka Iyo Xoolaha Ku Dhaqan Agagaarka Madaarka Hargeysa (DAAWO SAWIRRADA)
Hargeysa,8Aug,2015(QJ/SDN)- Waxa muddooyinkii ugu danbeeyay isasoo taraysay cabashada ka imanaysa dadka ku dhaqan deegaanka koonfur bari xaafadda masallaha iyo Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Cabashadaas oo ahayd mid ku aadan, warshadda jayga iyo daamurka ee ku taalla gudaha xayndaabka madaarka magaalada Hargeysa.
Haddaba warshaddan ayaa waxa ay khattar caafimaad iyo mid deegaanba ku keentay dadka iyo xoolaha ku dhaqan deegaankaasi, waxaana dadyowga qaar oo u warramay shabakadda wararka Qurbejoog.com ay u sheegeen in warshaddani ay helis ku tahay noloshooda, iyadoo ay jiraan dad xanuuno kala duwan ka qaaday dhaska iyo qiiqa daamurka wada socda ee kasoo baxaya warshadda kalagsharka.
Dadweynuhu waxa kale oo ay shabakadda Qurbejoog.com u sheegeen in xittaa weelka ay cuntada ku cunaan ay laba jeer xalaan maalintii maadaama inta ay habeenkii hurdaan uu dusha ka fuulo dhaska iyo qiiqa daamurka ee is wataa.
Inta badan dadka deegaanka ayaan wax badan ka ogayn cidda iska leh warshadda kalagsharka, balse kuwo kale ayaaba kuu sheegaya in warshadan uu leeyahay qof shicib ahi.
HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAAL KOOBAN:
Haddaba sawirrada laga soo qaaday warshadda ayaa muujinaya dhibta halkaasi ka jirta, adigoo arki kara siigada xoogga ah ee halkaasi ka soconaysa iyo qiiqa daamurka oo halis ku keeni karta nafta bina’aadamka iyo xoolaha halkaasi ku dhaqan.
Isku soo wada duuboo qayladda iyo dhawaqa kasoo yeedhayay dadweynaha deegaankaasi ayaa dhawaanahanba isasoo taraysay, iyadoo ciddina illaa hadda dhag jalaq u siin.
QJ/SDN: Hargeysa