|

Hoggaanka Soomaalida Ethiopia Oo Sheegay Inay Deegaankooda Ka Mustaafuriyeen Ganacsade Hawlo Argagixisonimo Lagu Tuhmay

Jig-jiga:Aug,07,2015(SDN/QJ)-Sida ay caddaysay Shabakadda  dhinaca wararka ah eek u hadashay afka DDSI ee Cakaaranews, waxa Ismaamulka Soomaalida Ethiopia ay mustaafureyeen Ganacsade lagu magacaabo Seylici Sheekh Muxumed, kaas oo lagu eedeeyey inuu Dalka kusoo galay sharci-darro, isla-markaana arrimo Argagixiso ku lug leeyahay.

sddiCakaara ayaa lagu faafiyey in ay jiraan gancasato Soomaaliyeeed oo doonaya in ay dalka khalkhal galiyaan iyaga oo adeegsanaya maaliyadooda. Waxa ay warbxintu sheegtay in ganacsatadu ka timid Soomaaliya iyo kiiniya.

Waxaa xusid mudan, in shabakada Degaanka oo saluugsan siyaada dawlada Ismaamulka Soomaalidu ay maanta qortay in Seylici xabsiga Jigjiga la dhigay isaga oo waliba la jidh-dilay. Shabakadan ayaa sheegtay in uu Seylici yahay ganacsade ka soo jeeda degaanka oo hanti ku leh goobo badan oo Geeska Afrika ah.

Waxaa kale oo shabakada degaanku xustay in Seylici lug ku leeyahay dadaal loogu jiro sidii la isugu soo dhaweyn lahaa ururka ONLF iyo xukuumada Itoobiya oo wadahadalo aan lagu guuleysan ay u socdaan.

Warar aan wali la xaqiijin ayaa tilmaamaya in Seylici xidhiidh dhow la leeyahay masuuliyinta UWSLF ee heshiiska la galay Itoobiya balse ay isku dhaceen xukuumada DDSI ee degaanka ka arimisa.

DDSI ayaan sheegin goobta loo masaafuriyey Seylici iyo sababta sharicga loo horkeeni waayey haddii uu dalka ku soo galay sharici-daro islamarkaana falal danbiyo ah gacanta kula jiray.

Xukuumada DDSI ayaa lagu eedeeya in ay dad badan ku tilmaanto nabadiid ama argagixiso, gaar ahaan masuuliyiin iyo shaqaale  dawlada degaanka ka mid ahaa.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed