|

Macallimiinta Dhawaan Fidmada Ka Dhaliyey Jaamacadda Hargeysa Oo Kasoo Horjeestay Xalkii Jaamacadda

Hargeysa:Aug,07,2015(SDN/QJ)-Labadii  macallin ee dhawaan curiyey fidmada ka aloosan Jaamacadda Hargeysa, ayaa si cad uga soo horjeestay go’aammo Guddida Jaamacaddu soo saareen oo xal lagaga gaadhayey dhibaatada jaamacadda ka taagan.

cadaadHormuudkii hore ee Sayniska Jaamacadda Hargeysa Prof. Cadaad, ayaa sheegay in isaga iyo Prof. Keyse oo ahaa hormoodkii Ganacsiga, aanay aqbali doonin go’aanka Guddida Jaamacaddu kasoo saartay khilaafkiii taagnaa.

Guddida ayaa go’aan ay soo saartay ku sheegtay in shaqada laga eryay Prof. Cabdi Xuseen Gaas iyo kuxigeenkiisii Prof. Cabdisalan Yaasiin oo isku dhinac ahaa iyo Prof. Cadaad iyo Keyse Cali Geeddi oo isku dhinac ahaa islamarkaana muddo sanad ku siman isku hayay hogaanka jaamacadda.

Cadaad ayaa sheegay inay taabacsan yihiin go’aan madaxweyne xigeenka Somaliland hore u soo saaray oo ahaa in Iscasilaad laga aqbalay Prof. Gaas iyo Prof Cabdisalaan Yaasiin, sidoo kalena afar bilood shaqada lagaga joojiyay Prof. Cadaad iyo Prof Keyse, sidoo kalena lagu kala diray guddida sare ee Jaamacadda, inkasta oo go’aankaasi socon wayay hawlahoodana wali ay sii wataan guddida jaamacaddu.

Cadaad ayaa sheegay siday arrintani u soo jiitantay ee xal loogu waayay “Khilaafka Jaamacaddu wuxuu soo socday 12 bilood. Wuxuu soo maray maraaxil kala duwan. Waxa galay dad kala duwan, mar waxa galay wasiiro, xildhibaanno iyo niman hay’addaha u shaqeeya, mar waxa galay madaxtooyada lafteeda, mar kale waxa galay madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, marna waxa galay Salaadiin iyo culimo, waxaana ka soo baxay go’aammo. Go’aammadaasi waxay keenen in Madaxweynuhu awood badan u siiyay Madaxweyne xigeenka xallinta Khilaafkan”.

Maxay ogol yihiin Prof. Cadaad iyo Prof Keyse?.

Prof. Cadaad oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Aniga iyo Prof. Keyse waxaanu ogol nahay oonu leenahay Adeer waxaa sharci ah uun wixii Madaxweynuhu soo saaro, wixii madaxweyne xigeenku soo saaro. Waa haddii la doonayo in wax kala socdaan oo nidaam hagaago oo kala dambeynta iyo maamulku socdo. Waxaanu ku qanacsannahay go’aankii igmashada ahaa ee Madaxweyne xigeenku soo saaray ee ahaa in anaga markii 4 bilood naga dhammaatay aanu shaqadayada ku noqono, guddoomiyaha iyo kuxigeenkiisa oo istaaqalada laga aqbalayna ka baxaan Maxakamadda”.

Cadaad wuxuu ku dooday in go’aankii madaxweyne xigeenka ee ahaa in muddo afar bilood ah ay shaqada ka hakadaan sidaas darteedna aanay suuro gal ahayn in go’aan kale ku dhaco.

Halka ay ka taagan yihiin go’aanka guddida sare ee xalay soo baxay

Waxa uu Cadaad sheegay inaanay guddidani xaq u lahayn go’aankan “Go’aanka xalay(habeen hore) soo baxay waxaanu leenahay waa “Hal xaaraan ahi, Nirig xalaal ah ma dhasho”. Sacad Cali Shire isagaa xaaraan ku jooga Jaamacadda. Isagaa Madaxweyne xigeenku jaamacadda ka saaray, sabab alla sabab uu maanta u yidhaahdo meesha way ka baxeen ma jirto. Xukunkii madaxweyne xigeenka ayaa anaga nagu dhacay, markaa xukun labaad oo ninkii dhibka abuuray ee mushkiladda abuuray oo Sacad ahi wado nagu dhici maayo” ayuu yidhi Mr Cadaad.

Guddoomiyaha kusimaha ah ee jaamacadda loo dhiibay

Waxa uu cadaad ku dooday inaanu kusimaha guddoomiyaha jaamacaddu lahayn aqoonta maamulka waxbarashada ” Go’aankan kale ee uu leeyahay waxaan guddoomiye ku meel gaadh ah jaamacadda uga dhigay Mahdi Cismaan Buuri, dee umaddu halkaas bay ka fahmaysaa wax walba. Wadanka waxaa jooga boqolaal aqoon yahan oo sare oo yaqaan maamulka jaamacaddaha, cilmiga maamulka waxbarashada, waa inuu qofku leeyahay aqoon waxbarasho oo 30 sanno ah, markaa Sacad Cali Shire wuxuu ku gefay nidaamka dadka jaamacadda la gaynayo. Mahdi waligii iskuulna hal galaas kamuu galin oo waa Sacad oo kale” ayuu yidhi Mr Cadaad

 

SDJ/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed